29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo caawa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Turkiga.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ah tii u horeysay ee uu ku tago Turkiga, waana safarkii 5aad ee uu dalka uga ambabaxo labo bilood kaddib markii xilka loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ankara, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Amniga iyo Wasiiro kale, waxaana lagu wadaa in heshiisyo dhowr ah ay la saxiixdaan dhiggooda Turkiga.

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri ku kulmaan Qasriga Madaxtooyada Ankara, halkaasoo soo dhoweyn heerkeedu sareyso loogu sameyn doono Madaxweyne Farmaajo.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda yahay mid aad u wanaagsan, waxaana Turkiga yahay dalka kaliya ee si toos u taageera Soomaaliya, horayna mashaariic iyo howlo sama fal ka fuliyay gudaha dalka.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ku tagay Turkiga ayaa ku soo aaday, xilli Imaaraadka Carabta uu xoojiyay saameyntiisa Soomaaliya, iyadoo xilligan uu jiro loolan Turkiga iyo Imaaraadka u dhaxeeya, waxaana Imaaraadka Carabta Jimcihii la soo dhaafay uu qabtay Yabooh lacageed loo sameeyay dadka Soomaaliyeed, taasoo lix sano ka hor Turkiga sameeyeen, xilligaasoo abaaro iyo macluul ku dhifteen Gobolada Koofurteed ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*