18th April 2024  admin  Category :

Farmaajo oo ku fashilmay shirkii Dhuusamareeb ayaa Muqdisho u aadaya muddo kororsi.

Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu berri jiro kulan gaar ah oo ahaa kulankii uu Madaxweynaha soo codsaday inuu qudbad u jeediyo golaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu berri oo sabti ah bishuna ay ku beegan tahay 6da Febraayo uu qudbad u jeediyo baarlamaanka, waxaana ka haray oo kaliya muddo labo cisho ah mudada xil hayntiisa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo galabta uu ka soo tagi doono magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin shirkii ay u fadhiyeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa la isku mari waayay arrinta ku saabsan gobolka Gedo,waxaana dhowrkii maalmood ee uu shirku socday lagu guuleysan waayay in xal laga gaaro khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo Maamulka Jubba.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis weyn ku saartay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada in xal laga gaaro dhammaan khilaafyada hareeyey qabashada doorashada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*