16th April 2024  admin  Category :

Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland u jawaabay Goodax

Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa), markii danbena noqday Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya , laakiinse xilkii laga qaaday ka dib markii ay agaasime ka soo jeeda beesha Hawiye ay isku qabsadeen maamulkii wasaaradda arimaha gudaha uu wasiirka ka ahaa  ayaa qoraalkan ku soo qoray Face book

“Wasiir Godaxow, Puntland waa pre-federal state dhisan in kabadan 20 sano oo leh manhaj, imtixaan iyo siyaasad waxbarasho oo dhisan waqti dheer. Waa nidaam waxbarasho oo leh sharciyad iyo kalsooni shacab oo buuxda.

Waa nasiib darro inaad maanta ku goodido inaad burburiso nidaamkaas reer Puntland dhisteen. Tan kale waxbarashadu waa shaqo u gaar ah Dawlad-goboleedyada ee maaha wax quseeya Dawlad dhexe. Nidaamka Federalka waxaa loo samaystay inaan arrimahan oo kale mardame meelna marti looga noqon”

https://allsanaag.com/agaasimihii-shaqada-laga-eryey-oo-la-dalcsiiyey/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*