29th March 2024  admin  Category :

Bahda Allsanaag, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Umadda Soomaaliyeed, reer Canada,Hobalada Waaberi, qoyskii,  eheladii,  Caruurtii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Allah ha u naxariistee fanaanadii caanka ahayd Faaduma Cali Nakruum oo Covid 19 ugu Geeriyootay maanta Cusbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Marxuumad Faaduma Cali Nakruum , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkeedana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxdayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*