26th March 2024  admin  Category :

SNMta ayaa la soo baxday dariiq ay caalamka u tusayaan in laga gardaranyahay oo dagaal lagu soo qaaday. Maalmahan waxeey billaabeen in ay iibiniyaan in dawladda Soomaaliya ay duullaan ku soo qaaday. Waxaase is weeydiin leh sababta keeni karta in dawladda Soomaaliya ay ku soo duusho Hargeeysa, iyadoo aan ognahay in dawladda federaalka ay maanta ciidan u yihiin ciidanka AMISOM.

Hadaba, SNMta siyaasiyiintooda kaarka ay doonayaan ineey beesha caalamka ka dhaadhacsiiyaan ayaa ah in Farmaajo uu yahay Daarood, isagoona ay isku reer yihiin madaxweeynihii horre ee dawladdii Kacaanka, Maxamed Siyaad Barre, allaha u naxariistee oo SNMta ay wax ka tirsanayaan. Waxeeyna leeyhiin waxaa maantana la rabbaa in mar kalle nalla xasuuqo.

Balse Caalamka ay SNMta u qeeylo dhaaminayaan waa mid ka dheragsan dhammaan waxa ka socda dalka Soomaaliya, waxeeyna la socdaan in beesha Isaaq ay wadaan waxa loogu yeero, “Oohintii yaxaaska” taas oo ka dhigan yaxaaskiii inta isagii wax cunnay , haddana isagii ilmeenaya.

Taas macnaheeda waxeey tahay, beesha Isaaq iyada ayaa dhul aysan laheen duullaan ku ah, iyadii ayaana cabaneeysa. Hadaba, qiiq isku qarinta iyo cabashooyinka munaafaqadeeysan ee siyaasiyiinta SNMta ay wadaan ma noqon doonto wax ka iibsama caalamka oo idil.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*