29th March 2024  admin  Category :

Duufaan loogu magac daray Luban ayaa lugu wadaa inay ku dhufato cirifka bari ee Soomaaliya saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.
Dalka Cumaan, ayaa la sheegay ugu horreyn inay ku dhufaneyso maalinta Jimcaha, halka ay Sabtida soo gaari doonta dalka Yemen.Waxaa la sheegayaa in roobab aad u xoog leh ay wadato.
Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka ayaa sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado marka ay gaarto Yemen iyo Cumaan ,waxaa inta dheer oo xaruntu ku sheegtay heerka duufaantan inuu yahay heerka koowaad.
Xilliga ay Soomaaliya ku soo beegan tahay awoodeedu way yaraan doontaa,sida laga soo xigtay xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka oo warbixinta ka soo baxday sidoo kale ku sheegtay  roobabka xoogga leh in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay duufaanta oo ka soo abuurmaysa badda Arabia.
Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Arabia xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Arabia.
Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*