18th April 2024  admin  Category :

Dufacaddii ugu horaysay xildhibaanada KG oo soo gaaray Muqdisho

31 okt 2018 (Puntlandes) Xildhibanaddi ugu horeeyay oo looga yeeray magaalada Baydhabo ayaa gaaray Muqdisho iyadoo la dajiyay Hotel Jazeera ee magaalada Mogadishu.

 

Xildhibanadda ayaa waxaa kulamo la qaadanaya Fahad Yasiin oo doonayaa inuu ballan la galo, kadibna uu guddoonsiiyo lacagtii loogu talo galay in lagu laaluusho si ay ugu codeeyaan musjaraxa dawlada Fadaraalka ay oo ah Cabdiasis Xassan Lafta Gareen.

Qiimaha lacagta ay dawladu rabto inay siiso ayaa war lagu kalsoon yahay naloogiu s heegay inuu yahay 50,000 oo dollar Xildhibaankii. Waxaa kaloo xogtu sheegaysa in Guddomiyaha Baarlamanka KG kaligiis loo ballan qaaday lacag dhan 1000,000 doolar.

Waxaa kale oo Dowladdu qorshaysay xataa haddii laga guulaysto musharax Lafta Gareen in Dowladda natiijada uwareejiyo musharaxooda.

Dowladdu waxay ku talo gashay inay xoog ku muquuniso doorashada uuna guulaysto musharaxoodu gar iyo gardarraba. Waxay diyaariyeen 3000 askari, kuwaas oo laga qaadi doono saldhigga Ballidoogle loona isticmaali doono boobka iyo handadaada goobta doorashada.

Dowladda Qadar ayaa keentay lacag aad u faro badan taasoo ka qayb ah lacagaha ay ku khalkhaliso xisiloonida siyaasadda Soomaliya, kuna baabi’inayso fadaraalka.

 

Waxaa loogu talo galay labada musharax ee dowladda kiiba in lagu maalgaliyo $10.000.000 (toban milyan oo doolar).

Puntlandes.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*