29th March 2024  admin  Category :

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in saddex boqol milyan oo Dollar ay ku bixisay gar gaarka Soomaaliya

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay ku dhawaad saddax boqol malyuun oo doolar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaaridda dadka dhibaateysan  ee Soomaaliyeed.

Deeqdan oo ay fulisay hay’adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa ay gaareysay 275 malyuun, taas oo lagu iibiyay raashiin iyo agabka wax lagu cuno.

Dadkan ayaa ah kuwo aad ugu baahnaa raashiinka waqtigan oo Soomaaliya ay xaalad adag oo dhanka beni’aadannimada ka jirto.

Fatahaadaha, Ayaxa iyo COVID -19 ayaa sii murjiyay xaalada dadka tabaaleysan

In ka badan shan malyuun ayaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee u baahan gar gaarka deg deg ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*