29th March 2024  admin  Category :

Dilka Askeri iyo Dhaawaca Laba qof oo Shacab ah oo Ka dhacay magaalada Boosaaso

Waxaa maanta salaadii duhur kaddib lagu dilay magaalada Boosaaso sarkaal ka tirsan Ciidanka Dawladda hoose Boosaaso halka laba qof oo shacab ahna uu dhaawac soo gaaray.

Dilka ayaa ka dhacay wadada loo yaqaano Xalwo Banaadir oo ah wado aad u mashquul badan.

Dilka askeriga iyo dhaawaca labada qof oo kale ayaa sida la sheegay waxa geystay koox ku hubeysnayd bastoolado,iyagoona dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Kaarshe Hogan-diid kaasoo ahaa sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee degmada Boosaaso,wuxuuna mar soo noqday Taliye kuxigeenka Kantoroolka Boosaaos.

Goobjoogo ku sugnaa goobta dilka uu ka dhacay ayaa u sheegay Sahan Online in labada qof ee dhaawaca ah ay yihiin dad shacab ah halka mid kalena uu ahaa askeri.

Waxa uu sheegay goobjooguhu in askeriga uu geeriyooday balse labada qof oo kale ay qabaan dhaawacyo halis ah loona qaaday Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

Ciidanka amniga magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta dilka iyo dhaawacu ka dhacay,waxayna wadaan baaritaan iyo baadi goob ay ku hayaan kooxdii weerarka geysatay.

Boosaaso ayaa ah magaalo madaxda ganacsiga Puntland ,waana magaalo lagu tilmaamo kuwa ugu amniga fiican Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*