19th March 2024  admin  Category :

Faysal Cali Waraabe oo inta badan Soomaalidu ay u aragto nin aan maskax ahaan fadhiyin ayaa sheegay in gobolka Sanaag uu yahay dhul Soomaaliland, dhulkana uusan guurin ayna yihiin magaalooyinka sida Dhahar, Badhan iyo Laasqoray dhul Soomaaliland, dadku ay guuraan, balse dhulka uu welligiis ahaanayo dhul Soomaaliland.

Wuxuu intaa ku daray in Majeerteen uusan dhulkaa qaadi karin, xudduudna aysan u sammeeyn karin. Waxa uu ku faanay in dawlad dhan ay burburiyeen, ayna qabsan karaan Garoowe iyo Qardho.

Hadaba, waxaa dhab ah in hadalka uu shubay Faysal Waraabe iyo kuwo la midka ah aysan macna weeyn sammeeneeyn, Soomaaliland wax la yiraahdana ay raacday Ingiriiska, Soomaaliyana maanta ay tahay hal dal ama ha noqoto Hargeeysa, Baydhabo Kismaayo, Dhuusamareeb, iyo Boosaaso dalkaas oo ah mid aan la kalla jari karin, cidda aan Soomaalinimada ku qanacsaneen iyaga ayeey tahay ineey dhulka ka guuraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*