29th March 2024  admin  Category :

Idaacadaha BBC iyo VOA ee afka Soomaaliga ayaa doorashada ay qabsadeen beesha Isaaq waqti badan gelliyey, waxa ay wareesanayeen wariyayaal, siyaasiyiinta beeshaas iyo shaqsiyaad ku suggan dhulka ay beeshaasi degto.

Hadaba, labadan idaacadood ayaan dhex-dhexaad ka noqon sida ay wax u dhaceen, waxa ayna u dhaqmayeen kuwo u sameenayey xayeeysiis ku saabsan doorashada beeshaas ay qabsadeen.

Wax doorasho ah kama dhaci dhulka ay degaan Warsangeliga, mana jirto doorsho ka dhacday meelo badan oo ka mid ah gobolka Sool oo ay ku jiraan Taleex iyo Buuhoodle, balse waxaa jira dad u dhashay beesha Isaaq oo deggan magaalada Laascaanood oo iyagu doorashada u galay safaf dhaadheer.

Idaacadaha VOA iyo BBC waxeey sheegeen in magaalada Badhan iyo Taleex ay doorasho ka dhaceen. Warkaas ayaa ahaa been abuur aad u weeyn. Taleex waxaa ku sugan ciidanka Puntland, meesha Badhana uu joogay Wasiirka Amniga Puntland Ahmed Cabdullaahi.

Idaacadaha BBC waxeey wareesatay nin ay ku sheegtay inuu yahay guddoomiyaha gobolla Sanaag Ahmed Cabdi Fly oo sheegay in doorasho ay ka dhacday meel kasta oo ka mid ah dhulka Warsangeliga warkaas oo ahaa been aad u weeyn.

Idaacadaha BBC iyo VOA lama xiriirin dhinaca Puntland si ay wax ugga oggaadaan in deegaanadaas ay doorasho ka dhaceen iyo in kalle. BBCda qeebaheeda subaxnimo, duhurnimo, galabnimo, iyo habeenimo waxa kalliya ay Puntland ka siiyeen wax ka yar 5 daqiiqo oo ay makarafoon la dhaxmareen dad fakirkooda ka dhiibanayey  doorashada beesha Isaaq kuwaas oo ku suggnaa magaalada Garoowe.

VOA iyadu gabi ahaanba afarteeda idaacadood ee baxay shalay ay gebi ahaanba siiyeen doorashada maamulka Hargeeysa.

Hadaba, Maamulka Puntland ayeey tahay ineey dib u eegid ku sameeyaan idaacadahan dagaalka qabiil ku jira ee aan dhexdhexaadka ka aheen arrimah dalka Soomaaliya maadaama ay Soomaali oo dhan ku magacaaban yihiin.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*