28th March 2024  admin  Category :

Dhakhaatiir ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa Muqdisho ugu xiran inay qabaan cudurka coronavirus, cudurka lagu sheegay inay qabaan lalama wadaagiin Dhakhaatiirta iyo Qoysaskooda jawaabtii baaritaanka caafimaad ee la sameeyey? Waa haddii ay jirto Baaritaan la sameeyey intaan lagu xirin Containerka ay ku jiraan

Dr. Faarax Yaasiin Aw yuusuf

DR. Ducaale Jaamac Dheere

DR. Cabdi casiis Dhabana cade.

Dhamaan Dhakhaatiirtan oo ka soo jeeda degmada Dhahar ee gobolka Sanaag oo wax ku soo bartay dalka Shiinaha , oo ugu yaraan soo maray intaanay Muqdisho soo gaarin shan dal ayaa markii Muqdisho yimaadeen gooni loo leexsaday ilaa hadana aan la ogayn waxa Bulshada inteeda kale looga dhex saaray.

Dhakhaatiirtan waxa lagu sheegay inay qabaan xanuunka coronavirus. Baaritaan la sameeyey oo la soo bandhigayna ilaa hadda ma jiraan. Wasaaradda Caafimaadka maanta waxay sheegeen in baaritaankoo u direen Nairobo, dalka Kenya, oo aanu weli jawaabtii so laaban

Waa arin fiican in la baaro qofka dalka imanaya oo dalka imanaya, waana Ma’suuliyad fiican in qofkii looga shakiyo ama qaba xanuunka halista ah ee coronavirus in umadda inteeda kale laga ilaaliyo.

Laakiin Dhakhaatiirtan toodu waa ka duwan tahaya sida muuqata waa hayb sooc iyaga oo dhakhaatiir ah lalama wadaagin Baaritaankii la sameeyey oo looga helay xanuunkan, ehelkoodu Wel wel ayaa haysta oo ma jiro cid ka socota wasaaradda caafimaadka oo la soo xiriirtay ama la wadaagtay sababha loo haysto Wiilashooda iyo meesha ay ku sugan yihiim

Maanta Ma’suuliyiin ka tegay degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo ugu tegay mid ka mid ah Dhakhaatiirtan mid ka mid ah meesha uu ku xiran yahay wuu ka dayriyey xaaladiisa oo waxa lagu hayaa CONTAINER .

Ugu danbayntii waa nasiib daro in tobon cisho ka dib Qoysaska sadexda dhakhatar ay is waydiinayaan in Wiilashooda Containerka ku jira ay qabaan Cudurka coronavirus iyo in kale, oo haba yaraatee ayna la soo xiriirin shaqaalaha Wasaaradda Cafimaadka.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*