9th April 2020  admin  Category :

Deyn cafinta maxaa ka run ah! By: Mahad Gelle

Jaran jarooyin dhowr ah ayey martaa deyn cafintu mana ahan sida loo dhigayo in ay u sahlan tahay. 

Waxa hadda Soomaaliya, laga cafinayo maahan deyntii rasmiga ahayd oo dhowr iyo toban dal ku leeyihiin. Waxa la fududeynayo waa ‘‘arrears clearance’’ oo ah dulsaarkii iyo khidmaddii fuushay deymihii Soomaaliya, la siiyey ilaa xorriyaddii. 

Wadiiqada lagu gaaro in dulsaarka ‘‘arrears clearance’’ lagaa fududeeyo, waxay International Monetary Fund iyo World Bank, ugu wacaan ‘‘decision point’’ oo ah in aad la timaado hufnaan maaliyadeed iyo koror dakhli gudaha ah si adi laftaadu isu bixiso. 

Si aad hufnaan maaliyadeed ula timaado waxaa lagugu kor joogteyn ‘‘Staff–Monitored Program’’ oo hadda Soomaaliya, lagu tijaabshay. Waa mashruuc looga halbeeg qaadanayo hab dhaqankaaga maaliyadeed. 

Mashruuca ‘‘Staff–Monitored Program’’, waxa uu qaataa lix (6) bilood ama sanad. 

Kadib waxaa loo gudbin tijaabo kale oo ugu yaraan qaadan karta saddex (3) sano ama ka badan, hadba kartidaada iyo dadaalka aad la timaado ayey ku xiran tahay. 

Tijaabadaan danbe waxaa la dhahaa ‘‘completion point’’, ama afkeena haddii aan ku suureeyo ‘‘ka buldheh.’’ 

Waxa aad bul ka oran wixii lagugu xiray oo dhan in aad kasoo baxdo. 

Dalalka tabartooda dhaqaale yartahay oo dhan ayaa wadiiqadaan dambe mara, waxa loo aqoon og yahay jaran jartaan, ‘‘Enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC)’’. 

Labadaas tijaabo oo midi tahay tabartaa tilaabso (decision point), midna ka buldheh (completion point), marka aad soo marto ayaa horta deynta lagaa cafin. 

Soomaaliya, weli cidi deyn kama cafin, mana dhawa howshu. Tusaale mashruuca kor joogtaynta ee ‘‘Staff–Monitored Program’’, oo ahayd in uu lix bilood oo keliya qaato, Soomaaliya shan (5) sano ayey ku qaadatay in ay kasoo dhalaasho. July 2015, ayaa ‘‘Staff–Monitored Program’’, soo bilowday. 

Tusaale kale, Dowladda Chad, ee bartamaha Afrika, ku taal May 2001 ayey buuxisay tabartaa tilaabso (decision point), in ay ka buldhahdo oo ‘‘completion point’’, gaarto waxay ku qaadatay afar iyo toban (14) sano. 

April 27, 2015 ayaa Chad, loo sheegay in ay buuxisay shardiyadii laga rabay. 

Haddaba maxaa socda? Waxaa socdaa waa in dolwadda Norway, bixinayso dulsaarkii Bangiga Aduunka , ku lahaa Soomaaliya, oo ah qaan–qaan ku gud oo weliba dulsaar aad u culus Soomaaliya, la saaranayo. Sidaas si lamida Midowga Yurub iyo Dowladda Ingiriisku, ayaa bixinaaya lacagtii African Development Bank, ku lahaa Soomaaliya. Waa halkaas meesha, ”bridging finance or loan”, ka imaanayso. 

International Monetary Fund, ayadu lacagteeda waxay ka aruursanaysaa dowladaha xubnaha ka ah IMF. Lacagta dulsaarka ‘‘arrears clearance’’, ee World Bank, IMF iyo African Development Bank, lama cafiyo, deyntii rasmiga ahaydna weli lama gaarin howsheeda. 

Sidaas si lamida haddii aad eegto boga rasmiga ah ee World Bank iyo International Monetary Fund, in aysan Soomaaliya, weli dhanka deyn cafinta, u dhaqaaqin oo aan waxba la bilaabin ayaad ka helin. 

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale , asaga oo aan cidna indho sarcaadin ayuu dadkiisa runta la wadaagi karaa, sida dhabta ah ee wax u socdaana u sharixi karaa. Hayeeshee, waxuu ka door biday in uu dadka Soomaaliyeed, madaxa darbi u saaro. 

Ma jiro ayaan filayaa qof Soomaali ah, oo aan ku farxayn in deynta dalkeena laga cafiyo, weliba si kalsooni leh ayaa qofkasta ugu riyaaqi, haddii aan la hoosaasin dadka. 

Deyn cafintu mashruuc doorasho lagu galo ama dadka lagu indho sarcaadiyo ma noqon karto. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*