28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay haweenka gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay haweenka gobolka Bari. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar ka mid ah laamaha amniga iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn kulanka uu la qaatay haweenka uga warbixiyey qorshaha dowladda ee gobolka iyo guud ahaan haweenka Puntland, intaas ka dibna wuxuu Madaxweynuhu dhageystay qaar ka mid ah haweenka oo warbixin ka siiyey Madaxweynaha sida ay u shaqeeyaan, ayagoona sheegay in ay garab taagan yihiin Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Image may contain: 12 people, people smiling

Image may contain: 4 people, people sitting, hat and closeup
Image may contain: 12 people, people smiling
Image may contain: 4 people, people sitting, hat and closeup
Image may contain: 14 people, people smiling

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*