29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Adiss Ababa Kulan kula Qaatay Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka Itoobiya (Ethiopian Airlines)

Adiss Ababa, Juun, 12, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ( Ethiopian Airlines)

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa kala ahaa Guddoomiyaha ( CEO) shirkadda duulimaadyada Itoobiya Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka Madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel iyo Madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiya Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Itoobiya iyo Iskuxirka Puntland iyo caalamka kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa masuuliyiinta kala xaajoodey abuuridda fursado ganacsi oo lagu horumarinayo xidhiidhka taarikhiga ah ee Puntland iyo Itoobiya, Madaxweynaha ayaa xusay inay qayb muhiima ka qaadanayso xidhiidhkaasi hirgelinta duulimaadyo caalami ah oo ay Shirkadda Itoobiyaan Airline ka hirgeliso Puntland, taasi oo fududaynaysa isku xidhka labada dhinac iyo abuuridda fursado maalgashi.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland ay leedahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha diyaaraddaha nooc walba oo ay yihiin, wuxuu cadeeyey inay Puntland diyaar u tahay waxkasta oo lagu suurta gelinayo hirgelinta duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline.

Masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa dhankooda soo dhoweeyey inay Puntland ka hirgeliyaan dulimaadyo qayb ka noqda kobcinta Ganacsiga labada dhinac, waxayna shirkaddu ogolaatay bilaabista duulimaadyo isku xira Puntland iyo Itoobiya.

Shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa sidoo kale magacawday Guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha Garoowe, kuwaasi oo Juun, 15, 2019 diyaarinaya xog dhammaystiran oo ku aadan Garoonka. Itoobiya iyo Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo mid amni oo wanaagsan, waxaana Garoowe ka furan qunsuliyad ay leedahay Itoobiya oo kashaqeysa fududeynta isu-socodka dadka iyo ganacsiga.

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*