28th March 2024  admin  Category :

Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in dalku Fawdo ku jiro

Wasiir ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin nidaam Federaal ah wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya”nidaam Federaal ah Somalia kama jiro hadda ee waa Nidaam Fowdo ah”

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay masuul ka tahay guud ahaan dalka, isagoo hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Waxa uu hadalkiisa si gaar ah diiradda ugu saaray madaxda dawlad goboleedyada dalka isagoo sheegay in si sharci darro ah ay ugu dhoofaan dalalka caalamka oo uu sheegay in ay kula kulmaan Madaxweyneyaal dalalka ay tagaan, isla markaana ay taasi sharci darro tahay la iskuna maxkamadey karo.

Madaxda maamul goboleedyada qaar ayuu ku eedeeyay in ay isku arkaan dal ka madax banaan Soomaaliya oo waxa ay doonaan samayn kara, sidoo kalana qaada kara go’aanno aysan la ogayn dowladda federaalka, isagoo ku goodiyay in taasi dhamaatay hadda wixii ka dambeeya.

Hadalka Maareeye ayaa ku soo aadayaa xilli uu khilaaf xoog leh ka dhex jiro dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dawlad goboleedyada dalka ka jira, sida Jubbaland iyo Puntland.

https://allsanaag.com/yaa-diidan-federaalka/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*