22nd May 2018  admin  Category :

Haddii Isaaqland  dawladan noqon lahaayeen sidan ayuu noqon laha Qarankoodu.

Wasiirka gaashaandhiga maamulka Isaaqland waxa ku magcaaban Ciise Xawar  oo  ka soo jeeda Beesha Warsangeli, taliyahooda ciidanka gobolka Sanaag waxa ku magcaaban  Axmed Gegaroor oo dhowaan u dhuuntay,  isaguna ka soo jeeda beesha Warsanheli.

Ninka aad ka arki doontaan muuqaalka hoose oo baastoolada ula soo baxay wasiirkiisa iyo taliyihiisa waa Caare, oo ka soo jeeda beesha Habar jeclo oo ku khasbaya in dagaalka ay kula jiraan Habar jeclo ayna dhexdhexaad ka noqon.

Caaro markuu argagaxan ku riday  wasiirkiisii iyo taliyihiisii waxa la geeyey xaafadd  ka mid ah magaalada Ceerigaabo, labo cashona waxa socday xafladayn loo dhigayo Caaro.

Taliyihii guud ee maleeshiyaadka beelaha Isaaaq Nuux Taani, isagana waxa loo diray Laascaanood iyo Tukaraq. Ilaa haddana arinta kama hadlin kamana hadli doono.

Xaalada gobolka sanaag iyo dawladnimadu meel xun bay maraysaa . Ninka halkan ka hanjabaya ee caytamayaa waa Caarre abaandulihii militryga gobolka sanaag ee ay ahayd inuu nabada sugo, wuxu si toos ah u sheegayaa inuu reerkooda la safanayo. Hadaba labada nin ee u hanjabayo oo ah taliyihi militryga gobolka gaashaanle fanax waa ninka fadhiya. Ninka taagan ee isna uu u hanajabayaa waa gaashaanle axmed gegaroor . Caarre sida idiin muuqata bastoolad ayuu la baxay oo ku hanjabay. Marka ciidankii qaranka ee amniga xidhi lahaa reerohooda la kala saftaan maxaa inoo hagaagaya. Arintaasi waa ceeb iyo fadeexad ciidanka qaranka oo dhan dul taala . Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha waa ceeb dul taala, waa ceeb dul taala taliyaha ciidanka qaranka Nuux taani. Guud ahaana waa fadeexad amni, iyo kalsooni daro ciidanka qaranka kalifaysa in shacabku ka aamin baxo .

Slået op af Bashiir Xiddig i 10. maj 2018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*