26th March 2024  admin  Category :

Waxaa jirijiray waa koox dhalinyaro ah, kooxdaas oo dhamaantood kuwada noolaa hal maagaalo, ayaa dhamaantood waxeey ahaayeen kuwo isticmaala qamriga. Hadaba, oday ka mid ah odayaasha magaalada ayaa wiilashii labo ka mid ah geeyay meel lagula tacaalo dadka balwadaha ay la tageen si balwadda ay isaga dhaafaan.

Balse odaygan caawinayey wiilasha ayaa wuxuu dhalay laba ka mid ah kuwa balwadaha dhagaha ka keena ee ku noolaa magaaladaas; dadkii dariska ahaa ayaa la yaabay odayga doonaya inuu caawiyo dhalinyaro kalle, balse aan caawineen wiilashii uu dhalay.

Arrintan ayaa waxaa qaadan waayey dadkii magaalada deggenaa, waxeeyna is weeydiiyeen waxa uu odayga u caawin waayey wiilashiisa meesha kuwo kalle uu u caawinayo, balse muddo ka dib waxaa la oggaaday in odayga aysan daacad ka aheen wax qabadka iyo caawinta uu u sameenayey wiilasha kalle oo ay aheed oo kalliya mid dadka la isaga iibinayey oo ay ku lamaanaayeen danno gaar ah.

Hadaba, taa waxaa ka dhigan Madaxweeynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Ca/laahi Farmaajo, oo shalay teggay magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan si uu qeeyb ugga noqdo heshiiska Koonfurta Suudaan madaxdooda lagu heshiisiinayo.

Waxa uu madaxweeynaha awoodi waayey inuu taggo Garoowe, Baydhabo, Dhuusamareeb, iyo Kismaayo oo uu khillaaf kalla dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada. Miyeey suurtagal tahay in shacabka Soomaaliyeed loo sheego in heshiiska Koonfurta Suudaan ka dhacaya uu ka muhiimsanyahay midka looga baahan yahay dalka Soomaaliya?

Dawladda federaalka waxeey ku heeysaa qalqal siyaasadeed iyo mid amni maamulada ka jira dalka oo ah maskaxda iyo wadnaha ummada Soomaaliyeed. Dhibaatooyinka ay abuurayaana dawladdana, waa kuwo mustaqbalka dhaw ku soo noqon doona isla dawladda, maamulada dalkana ka jiraana waa kuwo ka dabaalan doona dhibaato kasta oo soo food saarta.

Hadaba, Shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah ayaa loo tusayaa in dhibaha adduunka kalle ka jiraa oo laga qeeyb qaataa ay tahay mid dawladda Soomaaliya ay sumcad ku helleeso, magaceedana uu kor u kacayo, laakiin waxeey sharafta ay ku jirtaa in qofka uu gurigiisa ka billaabo wax qabadka inta guri kalle uu nadiifinayo.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda uu hoggaamiyo Farmaajo oo loo hanweeynaa markii la soo doortay ayaa markan u muuqata mid siyaasad xummo baahsan darteed ay calooshii la kartay, miraha xun ay abuurayaana waa mid dawlad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waqtigeeda sii daba dheereen doonta.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*