28th March 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha baarlamaanka iyo 300 oo qof oo qurbaha laga soo xushay ayaa  furay shirweynaha  Dib u eegista Dastuurka. 300 oo qof oo qurba joogta ah,  ayaa u badan kooxdii marmarsiiyaha xumayd ee ku doodi jirtay ” Somaliya Federaalkee qaadatay iyaga oo diidan in Soomaaliya ay Federaal noqoto.  

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal “`Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi u daah furay shirweynaha geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka, kaasoo socon doona illaa 15-ka bishan.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada qaar 300 oo ergooyin ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa si gaar ah diiradda lagu saari doonaan dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka KMG, iyadoo ay doodo adag ka yeelan doonaan ka qeyb galayaasha qodobada dastuurka ee u baahan qabyo tirka.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in sanadkan ay dhameystirto qabyo-tirka Dastuurka, isla markaana dastuurka noqdo mid loo dhan yahay oo ugu dambeyn loo qaado afti dadweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*