29th March 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Beesha Maakhir hal Isim oo qura u haystaa Shaanbadda Siyaasadda Soomaaliya lagu galo?

Beesha Dubeys ee Warsangeli, waa beesha Qura ee Soomaaliyeed ee horay ugu soo xulan jirtay Xildhibanadoodana si caddalad iyo meerto ah oo hadba ay beeli u qaban jireen Xilka xildhibaanka Federaal iyo Puntland

Beeshii sidaas ahayd, oo ay Shaanbadda lagu galo siyaasadda ay u taalay magaalada Dhahar, siday ku dhacdayba maanta waxa la geeyey Shaanbadaas degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo horay beesha inteeda kale uu u saxiixi jiray hal Isim oo keliya.

Isimadda Ugaaryahan ee Cismaan Ugaaryahan, reer Xasan, Reer Yuusuf iyo Reer Cumar oo wata saxiixa Suldaanka guud ee beesha Dubays Suldaan Maxamed Cabdulaahi Cartan, ayaa dhowaan u tegay Suldaan Siciid si xubintii Xildhibaan ee Cabdi Jamaal Baneeyey ay ugu bedelaan Safiirkii hore ee Sweden, Gudoomiyihii hore ee waxbarashada Soomaaliyeed markii danbena noqday Gudoomiyihii ugu horeeyey ee Baarlamaanka Puntland Yuusuf Siciid Madaxey.

Halkii Isimada Ugaaryahan ka sugayeen tixgelinta codsigooda ayaa Suldaan Siciid wuxuu shaanbaddii uu keligii haystay, beeshuna ugu dulqaadatay wuxuu ugu dhuftay wiil aan khibrad badanlahayn, oo ayna u keenin Isimadii beeshii Xildhibaanka lahayd oo lagu magcaabo Maxamed Nuur aw Faarax.

Arintan beesha Dubeys ee Warsangeli waa markii ugu horaysay, halka beelaha Cumar ay sidan ku jiraan labaatan sano oo qaarkood ilaa hadda sugayaan in mar qura inay Xildhibaan yeeshaan.

Siyaasiga Majeerteen ee ka soo jeeda Garowe ee Xildhibaan raadinaya marna ma dhacdo inuu Isim Qardho jooga uu waydiisto saxiixiisa, sababta reer Maakhir ku koobtay saxiixa hal Isim, Isimkaas oo sida in badan oo Isimada Soomaaliyeed ka mid ah aan ahayn mid caddaaliya umadda Isimka u yahayna ayna u arag inuu dhex dhexaad yahay, ayaa kalsooni iyo taageero badan ka haysta maamulka Puntland , iyaga oo doonaya in sida ay wax u rabaan arintu sii ahaato iyo degaanka oo sii ahaada dhul lagu muransan yahay.

Tusaale maalintii la yidhi Boosaaso iyo Garowe ayaa doorashada lagu qabanayaa oo maamulka Puntland sidaa ku taliyey sidii ayeey noqotay. Isimka Shaanbadda hayaa kama uusan hadlin. Xildhibaanada soo socda hal isim iyo maamulka puntland ayaa og oo qura reer Maakhir waa daawadayaal iyo sugayaal

Ugu danbayntii sababta uu Yuusuf Siciid loogu dhufan waayey Shaanbadda ayaa waxay tahay in Suldaanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ay ka cabsi qabaan haddii uu Yuusuf noqdo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Puntland inuu noqon doono Gudoomiyaha Baarlamaanka, sidaas awgeed hadda laga hor tago sida ku dhacday kuwo badan oo reer Maakhir ah

ALLSANAAG.COM

One thought on “Danjire Yuusuf maxaa loogu diiday Xildhibaan?

  1. Najiib

    Suldaanka wuxuu arkay dadkiisa oo caddaalad darrada ku raba. Hadii aysan ku rabin mar horreey iska ceeyrin lahaayeen.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*