16th April 2024  admin  Category :

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa mar hore waxa uu heshiis la gallay musharixiinta fadhigoodu yahay Muqdisho, maamulada Jubaland iyo Puntland, wadamada Imaaraadka, dalka Keenya iyo dalal kalle. Dhammaan wadamadaas iyo shaqsiyaadka musharixiinta ah dhammaantood waxeey ka siman yihiin in doorasho aysan dhicin inta Farmaajo meesha laga ceeyrinayo.

Musharixiinta iyo wadamada doonaya burburka Soomaaliya ayaa aaminsan hadii doorasho la gallo uu Farmaajo ku guulleeysanayo. Hadaba si taas aysan u dhicin, waa in dalka fawdo laga abuuraa si sidii markii ay is qabsadeeyn Nuur Cadde iyo Ca/laahi Yuusuf, markii danbe uu madaxweeyne Ca/laahi Yuusuf uu iskii isku casilay isaga oo u turaya dalka.

Hadaba, maanta ma dhici kartaa midaas mid la mid ah oo ah in Farmaajo uu is casilo? Dabcan ma jirto sabab uu Farmaajo isku casilo waana in lagu kala baxaa doorasho oo hadii Farmaajo laga guulleeysto, uu xilka ku wareejiyaa cidda ka guulleeysatay; hadii uu isagu guulleeystana uu shaqadiisa sii wataa.

Qof kasta oo si xun wax u raadiya, waxaa uu inta badan ku danbeeyaa fashil. Maanta Ra’iisal Wasaare Rooble waxa uu wax ku raadiyey si aan wannaagsaneeyn, isaga oo eeganaya masaalix gaar ah. Hadaba marar badan ayuu Farmaajo sammeeyey tanaasul, laakiin markan waxaa habboon in uusan oggollaan tanaasul danbe, waana in dalka loo hiiliyaa lagana qabtaa dadka iyo wadamadda doonaya ineey burburiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*