28th March 2024  admin  Category :

Shirka Kismaayo lagu qabtay xitaa ma ahayn in Xasan Culusoow la soo hadla qaado, iska daa in la siiyo xaquuq uu  gaar ah oo la leeyahay

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xuquuq gaar ah oo uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow .

Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiye y uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.

Madaxweynihii hore Xasan Culusoow ayaa miisaaniyad gaar ah dalka ku yeelan doona, isaga xaasaskiisa, carruurtiisa aan Qaan gaarin, shaqaalihiisa sare, shaqaale hoosaadkiisa, gaadiidkiisa iyo Tikidkiisa diyaaradeed ee safaradiisa shaqo.

Sidoo kale xuquuqdiisa gaarka ah ayaa waxaa qeyb ka ah mushaarka Hal urur oo ciidan ilaaladiisa gaarka noqonaya.

Qodobka 64aad ee Dastuurka ayaa qeexaya in Madaxweynihii waqtigiisa dhameystay oo xilka si nabad ku wareejiyo inuu yeelanayo xuquuq gaar ah.

Xasan Culusoow  iyo qoyskiisa ayaa hada deegaan ku leh dalka Turkiga, halkaasoo uu aaday dhowr bilood ka hor, kaddib markii uu xilka ku wareejiyay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa in sharcigan qeexaya xuquuqda gaarka ah ee Madaxweynihii hore Xasan Culusoow  uu ku soo saaro digreeto rasmi ah, si uu dhaqan gal u noqdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*