28th March 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa maanta ka qeyb qaatay Daminta Dab ka kacay Xaafada Hilaac oo ka mid ah Xaafadaha Magaladda Bosaaso.

Dabka ayaa ka kacay keeyd shidaal Oo ku yaala Xafaada hilaac alle ayaa mahad iska leh iyadoo wax khasaaro nafeed uusan ka dhalan Dabkaas.

Daminta dabkan ayaa waxa ka qeyb qaatay Maamulka Dagmadda Bosaaso oo uu Hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Dagmadda Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose Ee Bosaaso, Sidoo kale dabkan ayaa waxa ka qeyb qaatay Shirkada Isgaarsiinta Golis, Maamulka Dakada Bosaaso, Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari, Iyo Bulshada weynta Magaladda Bosaaso.

Guddoomiyaha Gobolka Bari mudane Cabdisamad Abwaan ayaa ugu horeyn uga
Mahadceliyay dhammaan ciidi ka qeyb qaadatay Daminta Dabka waxa uuna si gaara ugu Mahadceliyay Bulshada Magaladda Bosaaso oo qeyb weyn ka qaadatay daminta dabkan.

Guddoomiyaha ayaa Bulshada Bosaaso ugu baaqay in aay ka taxadaraan khatarta Nocan oo kale ah oo mar marka qaar dhacda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*