27th March 2024  admin  Category :

Maalmihii uu Allah ha u naxariistee   Cabdulaahi Yuusf uu Soomaaliya  madaxweynaha ka ahaa, Cabdiraxmaan Ibbi wuxuu ahaa ninka qori jiray, ku khudbadayn jiray sheekooyinka lagu kicinayo Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kooonfurta,  ” Xabashi ayaa dalka  la soo geliyey’  ayuuu dadka ku kicin jiray.  Cabdiraxmaan Ibbi Wuxuu ka mid ahaa   Canaasiirtii Asmara u aaday mucaaradnimada iyo Soomaaliya ayaa Amxaaro la keenay.  Cabdirxamaan Ibbi wuxuu ka mid ahaa Siyaasiyiintii samaysay  argagixisaddii Maxaakiimta oo  hadda loo yaqaan alshabaab. Maanta ninkii Amxaarada sheegi jiray inuu neceb yahay wuxuu ku doodayaa in dekedda Berbera laga siiyo Saami ah 19%. Cabdiraxmaan Ibbi wuxuu ku doodaa inuu yahay Dirta Koonfureed ee aminsan in DIRTA  WAQOOYI AY HELAAN  DAL AY  U GOONIYA YEESHAAN

MAQAAL HORE

Prof. Ibbi “Puntland in lagu aamino la dagaalanka burcad badeeda oo saldhig looga dhigo deegaanadaasi waxey ka dhigan tahay dhurwaa neef ari ah la raaciyey“

Raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda dowladda federaalka Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa sheegay in baarlamaanka iyo xukuumaddu ay iska kaashanayaan sidii wadanka Jabuuti saldhig looga dhigi lahaa howlgalada lagula dagaalamayo burcad badeeda, wuxuuna xusay in dhameystirka arrimahaasi uu haatan u joogo Jabuuti, ayna u marayaan heer gabo-gabo ah.

Prof. Ibbi oo saxaafada ugu waramayey Jabuuti wuxuu tilmaamay in burcad badeedu caqabado badan ku hayaan maraakiibta ganacsiga ah ee Soomaaliya soo aadaya, wuxuuna xusay in aaney burcad badeedu ka jirin Puntland oo keliya oo xittaa ay saldhigyo ku leeyihiin Hobyo, Xarardheere ilaa Garacad, ayna dowladda federaalku la kaashaneyso ciidamada cusub ee kuwa badda ah ee dhowaan tababarka loo soo dhameeyey sidii ay u cirib tiri lahaayeen burcad badeeda, ayna saldhig ilaalo ah uga sameysan lahaayeen badaha Soomaaliya.

Prof. Ibbi wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin doonin maraakiin sharci darro kaga kaluumeysta badaha iyo kuwo ku soo shuba sunta haraadiga ah ayna ciidamada badda dowladda federaalka oo ay gacan siinayaan ciidamada badda Jabuuti ay arrintaasi iska kaashan doonaan.

Allsanaag
Sharmake oo difacey heshiis uu la galey Puntland

Ra’iisul wasaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa difaacay heshiiskii uu lasoo galay maamulka Puntland isagoo sheegay inuusan burburin, isla markaana aysan waxba iska quseyn kii dhawaan ka dhacay Jabuuti.

Sharma’arke, wuxuu sheegay in heshiiskii Puntland uu ahaa mid xarumo ciidan looga sameynayo gobolkaas oo nabadoon, sida rugta ciidamada badda ee la dagaalamaya burcadbadeeda dhibaatada ka haysa biyaha Somalia.

“Heshiiskii Puntland lagu gaaray waa la meel marinayaa ma jirto cid diiday iyo cid diidi karta, waayo wuxuu ahaa mid qaatay waqti dheer, heshiiskii uu saxiixay C/raxmaan Ibbi ma ahan mid ka horimaanaya heshiiskaas” ayuu yiri Sharma’arke.

Dowladda Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa [Aug 2009] heshiis ku kala saxiixday Magaalada Gaalkacyo kaasoo ay ka mid ahaayeen in wafdiyada dowlada Somalia ay xubno ku lahaato Puntland, sidoo kalena deeqaha ay DF helo qayb laga siiyo.

“Ma jiro qodob ka mid ahaa heshiiskaas oo weli la fuliyay, waxaanse socda dadaalo lagu doonayo in lagu meel mariyo” ayuu yiri Sharma’arke, wuxuuna meesha ka saaray inay jiraan khilaafyo u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif.

Saxiixii dalka Jabuuti ka dhacay ee ay ka qaybgaleen Madaxweyne Sh. Shariif iyo Wasiiro, ayuu ku sheegay inuusan ahayn heshiis, balse uu ahaa xiriir iskaashi oo lagula dagaalamayo burcadbadeedda kaasoo ay wada dhigteen 8-dal oo ay Somalia ku jirto.

Dhanka kale, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo duqyentii shalay lagu dilay sarkaal ay Mareykanku si weyn u doonayeen oo lagu magacaabo Saalax Cali Saalax [Nebhan] oo u dhashay dalka Kenya, kaasoo toogteen ciidamo aad ah u tababaran.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan wadahadalo u dhexeeya dowlada iyo kooxaha kasoo horjeeda, isagoo xusay in ururka Xisbul Islam ay wadahadalo hoose u socdaan, kuwaasoo lagu dhamenayo khilaafka.

Sheekoyinkii lagu kicin jiray bulshada Koonfurta Soomaaliyeed waqtigii Maxaakiimta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*