28th March 2024  admin  Category :

Ciidankii Asad Diyaano oo Jamaal ilaaliniyey oo laga hor istaagay Garowe.

Ciidankii Asad Diyaano, uu dhaxalka uga helay Allah ha u naxariistee aabihiis Cismaa Diyaano oo ahaa ciidan markiisii hore loogu talo galay la dagaalanka argagixisada ku dhuumaalaysata Buuraha Calmadow, hase ahaatee markii danbe u gacan galay Qoyska reer Diyaano ayaa maanta muddo gaaban lagu hakiyey inay soo galaan magaalada Garowe.

Ciidanka Diyaano ayaa iyaga oo ilaaninaya amniga Wasiir Jamaal oo ay isku xulfo yihiin waxa laga hor istaagay gudaha magaalada Garowe inay gudaha u soo galaan.

Wasiir Jamaal oo maalmahn ku sugnaa Magaalada Dhahar, ayaa halkaa ka waday olole Doorasho , oo gobolkii Hayland amada degmaddi Dhahar ee gobolka Sanaag ka dhigay Xaafad ka mid ah gobolka Banaadir, oo aan ka tirsanayn maamulmka Puntland una baahnayn bulshada kale ee Warsangeli ee ku nool degmooyinka kale ee gobolka Hayland.

Ma jirin Siyaasi iyo Isim ka soo jeeda degmooyinka Xingalool iyo Buraan ee gobolka Hayland ee wasiirka Federaalka ee gobolku kula kulmay Dhahar iska daa mid ka yimaada Gobolka Sanaag.

Arinta umadda lagu kala qaybnayo oo qaarkood lagu marin habaabinayo iyadoo la leeyahay Majeerteen ayaa i neceb isla markaana ay iyagii ilaalinayaan ayaa dad badan oo wax garad ay ka digeen inay khatarteeda leedahay. Iyaga oo sabab uga dhigaya in beelo badan oo Soomaaliyeed oo Siyaasi ku Awrkacsaday isaga oo u kala qaybinaya INAGA IYO IYAGA,ilaa hadda la garan la’yahay sidii loo midayn lahaa.

Waa ciidankii Jamaal ilaaninayey oo dhex maraya degmada Qardho oo in ciidanka beel ahaan itooda badan ka soo jeeddaan

Ugu danbayntii gobolka Hayland, maaha degmo hoos timada gobolka Banaadir ee uu Cali Yare amnigiisa gacanta ku hayo ee waa gobol uu magcaabay maamulka Puntland, sidaas awgeed waa in maamulka Puntland soo dhoweeyaa qof kasta aaminsan Puntlanimada iyo wada jirka Bulshada Puntland. Sidoo kale qoka aaminsan inuu ka maarmi karo Bulshada Maakhir intooda badan isaguna isagaa cirka roob ku og

May be an image of car, road and text that says 'Hotel Fagende Abdi'

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*