29th March 2024  admin  Category :

Saraakiil ka socda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo  soo gaaray gobolka Sanaag

Saraakiil ka Socdey Wasaaradda Gaashaan dhigga Dawlada Federaalka Soomaaliyeed iyo xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay weheliyaan qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa soo gaadhey gobolka Sanaag .
Waxa soo dhoweeyey Taliyaha Qaybta 9aad ee Ciidanka Daraawiishta Gobolka Sanaag Col. C/laahi Cumar Cashuur oo ay ugu socdeen iney diiwaan geliyaan ciidankiisa ku sugan meelo badan oo gobolka ah .
Safarkooda ayaa waxa ku weheliyey shaqaalaha Salaam Bank oo iyagu xogta ciidanka qaadanayey si Akoono loogu furo askara Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee qaybta Sanaag.
Weftigan ayaa kolkii ay shaqadooda soo dhamaysteen waxay gurigiisa ku booqdeen Suldaan Siciid Suldaan C/salaam oo ay la joogeen Gudoomiyaha Gobolka iyo madax kale oo heer gobol ah .
soo dhoweyn iyo isbarasho kadib waxa weftigu tilmaameen iney ku faraxsan yihiin safarkooda gobolka Sanaag iyo shaqadoodii oo si hufan oo nabad ah ugu dhamaatay .

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*