19th April 2024  admin  Category :

Ciidamada Puntland oo soo geba-gebeeyey hawlgalkii ka dhanka ahaa Dadqalatooyinka

War kasoo baxay taliska ciidanka Amniga Puntland ee (PSF) oo ay weheliyaan ciidamada Badda Puntland (PMPF) iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa soo geba-gebeeyey hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka Daacish oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka socday  Buuraha Cal Miskaat ee Gobolka Bari, gaar ahaan aagga deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol ee u dhexeeya Balidhidin iyo Qandala.

Hawlgalkan ciidamada Puntland ka fuliyeen deegaano ka tirsan bariga fog ee Puntland ayaa bartilmaameedkoodu ahaa sidii looga sifeyn lahaa kooxda Daacish deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan buuraha Cal Miskaat ee Gobolka Bari.

Warbixin kasoo baxday xafiiska ciidanka PSF ee Puntland ayaa lagu yiri “Argagixisadu isma qarin karayaan, ciidamada Puntland na way sii wadi doonaan hawlgallada ay dhulka Puntland kaga xoraynayaan cadowga ku soo duulay , waxaana ka go’an ciidamada difaaca Puntland in ay argagixisada u diidaan in aysa helin goobo ay ku badbaadaan”.

Warbixinta ayaa lagu sheegay intii uu socday hawlgalku in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Daacish looga saarey goobo ay kaga dhuumaalaysanayeen deegaano hoostaga degmada Qandala,islamarkaana ciidamadu gubeen godad raashin ugu kaydsana, halka ay burburiyeen saldhigyo kooxdaasi ku lahayd Aaga hawlgalku ka socday, sidoo kalena la qabtey qalab ay ku samaysan jireen walxaha qarxa.
Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

7

8

9

10

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*