28th March 2024  admin  Category :

Daawo Xildhibaan Cabdulaahi Shaacir Su’aasha uu waydiiyey Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Intaanu wasiirka ka jawaabin su’aashii ahayd waa maxay sababta beelaha Hawiye iyo Raxanweyn lagu qurxinayo dibadda loogu diraa oo qura ,oo looga reebaa beelaha kale ee Soomaaliyeed wuxuuba ka hadli waayey kooxdii Khadiijo Diiriye ee madaxweyne Farmaajo maal geliyey

2 thoughts on “Ciidamada Dibadda loo dirayo sidee loo xulaa?

  1. Cismaan Cawad

    JAWAABTEEDU WAA MID DHARAARTA SIDEEDA U CAD

    Tolkeenan Harti wax weyn baa inaga qaldan runtii. Inta aan su’aalahaas oo kale la isku karaama seejinin waxaa Hartiga uga horreysa oo uga sokeysa ka jawaabidda su’aasha ku saabsan halkii ay ku dambeeyeen xadaaraddoodi soojireenka ahayd iyo mansabkoodii ay gobta ku ahaan jireen qarniyo badan gumeysigii hortii.

    Waxaa Hartiga iyo guud ahaan tolweynahooda Daarood si xun iskaga dhex yaacay oo ay kala garan kari waayeen muwaaddinimadooda dalkeena Soomaaliya iyo mansabkeena geyi iyo gob ahaan ba inoo gaarka ahaa ee salka ku hayay xadaaraddeenii Saldanadeed iyo Boqortooyo. Waa xaqiiq in aynu qarankeena Soomaaliya ka tirsannahay laakiin waxaa inoo gaar ah mansab aynu Soomaaliya oo aan jirin anagu xadaarad ku ahayn.

    Jeer aynu geyi iyo tolweyne ahaan marka hore anagu mansabkeenaas dib u dhaadno oo una dhisanno abidkeen ka ma ciil bixi doonno hagrashada ay Xamar iyo hagardaamooyinka ay Hargeysa deegaannadeena ku hayaan. War waynaan u baahnayn Xamar iyo Hargeysa toona haddii aynu geyi iyo tol ahaan sha’nigeena mideyno oo mansabkeenii soojireenka ahaa soo ceshanno. Geyigeena ayaa Soomaaliya ugu baaxad weyn barri iyo baxar ahaan ba. Waxaa ragaadkaas na baday in aynu anagu teenii dayacnay oo tu kale u hanqal taagnay. Aniga ayaa faahfaahinteeda haya ciddii dooddaas ila wadaagi rabta.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*