Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

21st February 2018  admin  

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga yaqaano Gobolada Koofureed ee Soomaaliya. Nabadoonka oo muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

21st February 2018  admin  

Adeer Isaga oo Siisoow soo raacay  ayaad intaad  Sitaay ma noogto soo  saarteen  ugu sii daraysaan sii siko. Waqtigii uu socday dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya ee 1977, ayaa gobolka Sanaag waxaanu  ka raacnay gaari Siisoow ah, uu lahaa Allah ha u naxariistee Maxamuud Gaani oo u socday   magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Todobaatameeyadii ma jirin  laami ka taga gobolada […]

21st February 2018  admin  

C/qaadir Maxamed Nuur oo Alshabaabka xiligii uu ka tirsanaa la baxay magacyadda(General Jaamac iyo Jaamac Abu-Jihaad). laakiinse hadda ku magacaabanaa Taliye Ku-Xigeenka Nabad-sugidda Qaranka(NISA)ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho lagu xiray. Boorso ay ku jirto 1-Malyan oo Doolarka Mareykanka ayaa lagu qabtay,xili uu ku sii jeeday Magaaladda Baydhabo Abu-Jihaad ayaa lagu xasuustaa inuu ka mid […]

21st February 2018  admin  

Shirka Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sharciga Shirkaddaha iyo magacaabista taliyeyaasha Ciidanka Booliiska, Nabad sugidda iyo Asluubta. Ugu horeyn Shirka gollaha ayaa looga dooday ansixinta shirciga shirkaddaha ee Soomaaliya, waxaana soo […]

21st February 2018  admin  

Dawladda Federaalka ayaa la fillayaa in ay dhawaan wada hadal la furi doonaan beesha Isaaq. Hase ahaatee, waxaa haboon in la qeexo cidda lala hadlayo. Cidda lala hadlayo waa ineey noqotaa beesha Isaaq oo iyadu ah midda dhibaato ka tirsaneesa dawladdii horre ee Kacaanka, waana iyaga kuwa doonaya ineey goostaan. Marnaba yeeysan dawladda federaalka ka […]

21st February 2018  admin  

Kaftanka Siyaasadda: Dawladda Farmaajo weli wasiirkii arimaha dibada ma helin ?