29th March 2024  admin  Category :

Marka la isku soo duubo, calleemo saarkii ka dhacay magaalada Kismaayo, wuxuu ku soo dhamaaday si guul ah, balse dhamaan dadka ka qeeyb galay waxeey ka mideeysnaayeen hal arrin oo ah sida ay uga xun yihiin habka dawladda federaalka ay ku maamuleeyso dalka.

Dadka waxeey isku raaceen in dawladda uu hoggaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhinac maray dhammaan wixii la isku oggaa si dalka looga saaro dhibaatada soo socotay mudada soddonka sannadood ah.

Arrimaha la taaban karro ee dawladda federaalka lagu eedeenayo  ayaa ka mid ah:

 ku tumushada dastuurka dalka;

Dhinac marida nidaamka federaalka;

 U gacan dhaafidda maamulada dalka doorashooyinka ay iyaga sharciga u lahaayeen ineey qabtaan;

Baarlamaankii dalka oo laga dhigay kuwo hoos yimaada madaxweeynaha iyo ra’iisal wasaaraha kuwaas oo shaqadii ummaddda ay ka sugeeysay ee ahaa ineey la xisaabtamaan dawladda gebi ahaantiisba meesha laga saaray;

Caburinta cidda aan taageersaneen dawladda iyo cidda taageersan oo la naas nuujiyo;

Dastuurkii la rabay in la dhameeystiro oo meeshiisa aan welli laga qaadin;

Dhamaan arrimihii doorashada 2021ka ku taxluqay oo aan muuqan in la sameenayo, taa badelkeeda, dawladda federaalka waxeey qaban qaabo ugu jiraa siidii ay 3 sanno ugu darsan laheed, taas oo ah wax aan la isku oggeen, meeshana ay tahay in aan la keenin;

Dhisitaankii ciidan qaranka uu leeyahay oo gebbi ahaanba meesha laga saaray;

Dib u heshiisiin la sameeyo iyadana waxaa laga saaray meesha, waxaana lagu mashquulay dadka oo la sii kalla fogeeyo;

Hadaba, dadku waxeey is weeydiinayaan qof afartii sanno ee uu joogay xafiiska, oo waxba qaban waayey, waxa uu soo kordhinayo haddii uu ku darsaddo 3 sanno oo dheeri ah oo aan ka aheen dadka oo waqtiga uu ka sii lumiyo iyo lugooyo uu soo kordhiyo.

Isku soo duub, dadka Soomaaliyeed badankooda kuma qanacsana habka ay dawladda wax ku waddo, taasina waa midda sababtay in laga soo hor jeeysto hab dhaqankaas, kismaayana waxeey noqon doontaa meesha lagu sixi doono dawladda federaalka qaladaadkeeda, si dalka looga badbaadiyo inuu dib ugu noqdo meeshii laga keenay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*