28th March 2024  admin  Category :

Guri Barwaaqo,  Dumar Soomaaliyeed ayuu caayey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayuu si xun u  aflagaadeeyey, Agaasimihiisii oo   ku yidhi Cayda iska  yaree qof Muslim ah ayaa  tahaye   ,Hablihii  iyo Culumiddii aad aflagaadaysana raali gelin   ka bixi ayaa  isaga shaqaddii  u hayey maamulka Somaliland looga  eryey . Sababtoo ah Wasiirka ayaa ahaa  Habar Awal ah  . Halka wasiirka warfaafinta maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ( Guri Barwaaqo),  uu isagu weli shaqadiisii sii haysto ,  sidii  dumarka uga caayayo mafrishyada Hargaysa

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ( Guri Barwaaqo),  oo ku caan baxay dhaqan xumo, kana soo jeeda beesha Habar Awal ee  Muuse Biixi  ayaa shaqadii waxay ka eryeen  agaasimihiisii  wasaaradaas  Cali Maxamed Cali oo ku yidhi ” raali gelin ka bixi cayda Habalaha Ciidagale oo uu wasiirku ku caayey buug uu horay u qoray.

Nasiib xumo Xilkii agaasimaha   Islaamnimada iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed looga qaday  laga   waxa lagu bedelay Agoon ay  aabihiis dileen Jabahaddii SNM ee Muuse Biixi madaxda ka ahaa

Mustafe Godane Cali Bile ayaa laga dhigay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee maamulkaas oo ka soo jeeda beesha Warsangeli, Bahogayslabe

Wiilkan agoonka ah ayaa waxa dhalay Allah ha u naxariiste gudoomiyihii hore ee degmada Laasqoaray, taliyihii hore ee qaybta booliiska gobolka Jubadda hoose, gudoomiyihii  hore ee gobolada Nugaal iyo Sanaag gaashaanle sare Godane Cali Bali oo jabhadda SNM isir nacayb ay  ugu dileen  magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Agaasimaha xilka laga qaaday isaguna wuxuu ka soo jeeday warsangeli, Bahogayslabe

Wasiir Guri Barwaaqo Oo Shaqadii Ka Joojiyay Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Iyo Cali Guray Oo Ka Hadley.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*