28th March 2024  admin  Category :

Caasimadda Puntland Qoyska  reer Faroole iyo koox taageersan  ayeey u afduuban tahay,

Xiildhibaan Cabdiraxmaan Faroole , oo  fursad siyaasadeed  Soomaalida dhexdeeda kaga  helay    waqtigii Cabdulaahi Yuusuf iyo reer Qardho is hayeen,  maantana Soomali dhexdeeda markii ay isaga iyo Cabdi Qaybdiid u wada   tartameen gudoomiyaha Guddiga Dasruuka Soomaaliya ee Aqalka sare, Soomaalida inteeda badani ay u codeeyeen  in Gudoomoya Guddiga dastuurku Soomaaliya uu noqdo Cabdi Qaybdiid ayaa marka uu Garoowe yimaado wuxuu noqdaa Baarqab ku gabanaya Caasimadda Puntland oo ay beeshiisu degto . Hase ahaatee  markii horeba ayna beelaha Puntland  ku wada heshiin halkay caasimaddu noqonayso

Cabdiraxmaan Faroole, ayaa wuxuu  sharci ka dhigtay  in Islaanka beeshiisa maahee aanu  Isim kale oo reer  Puntland ah uuna  shir Garowe ka dhacaya Furi ama xiri karin  . Waana sababta  doorashaddii dhowayd  loogu arki waayey Boqorka beelaha Soomaaliyeed iyo Isimimka beelaa Harti,

Cabdiraxmaan Faroole iyo Qoyskiisa oo  habeenkii doorashada fadhiyey safka hore oo ay kamaraddu qabanaysay ayaa hadda la sheegayaa in maamulka cabsi ay ka qabeen halkaa loo fariisiyey.

Cabdiracmaan Faroole labo Cudur ayaa isgu darsamay Mid waa Xoolo jeceyl oo waa lacag iyo Aduunyo-doon. Midda kale waa dabeecad xunyahay

Sannadku markuu ahaa 2005 ayey ahayd markii Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga isagoo ah C/raxmaan Faroole isku qabteen Cadde Muuse oo xilligaas ahaa Madaxweynaha Puntland saxiixa Shirkad baaritaan iyo sahmin ku sameynaysa khayraadka macadinta iyo batroolka deegaannada Puntland; taasoo C/raxmaan Faroole sida warar hoose sheegayaan uu ka dhex arki waayey heshiiska dano dhaqaale oo uu markaas ku qoonsaday.

 

Wixii xilligaasi ka dambeeyey wuxuu bilaabay inuu ka horyimaado wax walba oo danta Nugaal ah oo Dowladda doonaysay in ay ka fuliso, isagoo markii dambe ku waayey xilkii Wasiirnimo khilaaf Baarlmaanka ka dhex abuurmay Codad la doonayey in lagu ansixiyo wasiirnimadiisa, isagoo uu weheliyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha waqtigaasi, Axmed Cabdi Xaabsade.

Xanaaqii iyo ciilkii uu u qabay Baarlamaanka wuxuu sababay inuu isku dayey C/raxmaan Faroole weerar ku soo ekeysiiyo barqo cad Hoolkii Baarlamaanka ku shiri jireen oo xiligaasi ay rasaas ku fureen maleeshiyo ka amar qaadan jirtay Faroole.

Balse qasaarihii ka dhashay weerarki Faroole wuxuu noqday in rag ehelkiisa ah ay ku dhintaan, oo ciidamada Puntland difacaan Ammaanka Hoolka Baarlamaanka Puntland.

Sawirka hoose waa Ina Faroole iyo madaxweynaha cusub

Image may contain: 1 person, smiling

Ugu danbayntii madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Deni,  waxaan talo ku siinaynaa in noocaas ah oo  ku caan baxay kala qaybinta umadda walaalaha ah ee reer Puntland ,Ciyaal aan khayr qabin oo uu dhalayna  ay  la taliyaan inuuna talo ka qaadan, loona arag inay xulafo yihiin.

Allsanaag.com

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*