29th March 2024  admin  Category :

Dad qalatooyin dad badan ku dili lahaa Boosaaso ayaa la qabtay

Sawirka Cismaan Turaabi.

Ciidamada Sirdoonka iyo kuwa PMPF ee ka howgalla Magaalada Bosaaso ayaa ka hortegay Baabuur laga soo buuxiyey Walxaha Qarxa,kaas oo Lala damacsanaa in Lagu Xasuuqo Boqolaal Qof oo aan waxba galabsan.

Baabuurkan Qaraxyada waday ayaa waxa lagu qabtay Jidka Sodonka ee Bariga Magaalada Bosaaso,iyadoona sidoo kalena la qabtay 5 nin oo ahaa kuwii Qaraxyada Shacabka La damacsanaa.

Magaalada Bosaaso ayaa Mudooyinkii dame ka nasatay Qaraxyo iyo dilal ka dhacay bilihii lasoo dhaafay,kuwaas oo inta badan shacabka Baqdin ku abaaray

Axmed Joocaar-Raadreeb-Bosaaso.

Halkan Hoose ka Daawo Walxaha Qarxa ee la qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*