29th March 2024  admin  Category :

Boqolkiiba sodonka loo qoondeeyey in  Dumarka Soomaaliyeed ka helaan    baarlamaanka soo socda maaha mid  Dimoqraadiyad ku salaysan  iyo mid caalamka intiisa kale ka shaqeeya ee waa bahdil lagu  soo xoojinaysa in Muslimiintu ay u daran yihiin Dumarkooda.

Wadamada Aduunka  ku dhaqma Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka halka cod lagu kala badiyo waxa ka mid ah Hindiya iyo Maraykanka oo ay ku nool yihiin dad laga tiro badan yahay oo dalalkaas ku dulman, ilaa hadana kama dhicin kuraas loo qoondeeyey Dumar, dadka midabka leh iyo Harijanka aan la taaban karin ee  Hindiya.

Hadaba Su’aasha mudan in lays waydiiyo sharci ahaan, ayaa waxay tahay  maxaa loo cuskaday in qayb ka mid ah Bulshada  loo qoondeeyo kuraas u gaar ah haddi an arintan siyaasad iyo sawir xun la doonayn in   laga bixiyo Bulshada Soomaaliyeed. Beritona  yeey noqon doonaan  kooxda kale ee  Bulshada Caalamku ay madaxda Soomaaliyeed ku amri doonaan inay kuraas uga  qoondeeyaan baarlamaanka Soomaaliya.

DSCF4222

Dumarku iyo Qof walba oo cod raadinayaa   inuu olole  doorasho galo oo Bulshada dooranaysa u soo gudbiyo wuxuu u qabanayo  Waa dimoqraadiyadda saxda oo lagu kala saari karo dadkii wada tartamayey. Waana sababta  14 sano ee ugu danbaysay aan codkayga u siinayey qof dumar ah oo laga soo doorto xaafadda aan kaga noolahay dalkayga. Sababtoo ah markii hore waxay gashay olole xoogan oo ay  albaab walba oo ay   cod ka raadinaysay waa  garaacday, iyada ka codsanaysa Vote ama cod . Markii ay guulaysatayna  Bulshadii dooratay ayeey dib ugu  soo laabatay si ay wax ugu qabato. Laakiinse tan Somaaliya maanta ka jirtao oo 30% loo qoondeeyey dumar,  uuna soo xulayo Oday Buuri cabayaa waa lugooyo kale oo Soomaaliya lala damacsan yahay.

Ugu danbayntii Baarlamanka Soomaaliya inti uu soo  jiray laga soo bilaabo 2000 ilaa 2016, waxa ugu metalayey mar walba qof   Dumara  oo reer Maakhir ah  oo aqoonteeda leh, maantana haddii munaafaqnimada bulshada caalamku ay ugu khasbayaan iga daayaan iyo  arinta  ayna iyaguba dadlakooda ka samayn ee qoondaynta codka dad gaar ah meel loo dhigayo,   waxaan soo dooran lahaa cidda aan aaminsanahay inay wax ii qabanayeen   Rag  iyo Dumar oo ay aqoontu hagayso.

 

DSCF4234DSCF4232DSCF4222DSCF4214DSCF4212DSCF4207

DSCF4329DSCF4327DSCF4318DSCF4317DSCF4315DSCF4313DSCF4306DSCF4310DSCF4298DSCF4265DSCF4257DSCF4264DSCF4253DSCF4241

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*