28th March 2024  admin  Category :

Wasiirkii Puntland ee shaqada looga eryey maxaad u hadashay, dano gaar ah ayaa laga lahaa

Shaqo ka ceeyrintii Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xiriika Goboladda Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan ayaa u muuqata mid arrimo gaar ah ay ka danbeeyeen, shaqo ka ceeyrintana waa mid ay u gaar aheed madaxweeyne ku xiggeenka Puntland Cameey.

Hadaba, arrintan ayaa daba socota kadib markii wasiiru dawlaha uu taageeray dhiibistii Qalbi Dhagax ee loogu gacan gelliyey dawladda Itoobiya, wuxuuna ku tilmaamay go’aanka Dawladda Federaalku ay qaadatay mid ahaa tallaabo wanaagsan.

Wuxuu kalloo ku sii daray hadalkiisa Cabdiraxmaan Gurxan in ururka ONLF aysan jirin cid ay xoreenayaan, maantana Soomaalida deggan Jubuuti, Kenya, iyo Itoobiya ay yihiin dad ku nool nabad iyo horumar.

Wasiiru dawlaha kuma uusan hadleen go’aan kasoo baxey maamulka Puntland, balse waxa uu ahaa mid uu ka dhiibanayey fakirkiisa isaga u gaarka ah ama sida ay ulla muuqato shaqsi ahaan dhiibitaanka ninkaas.

Xubnaha labada golle ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sarre ee federaalka ayaa ku kalla aragti duggan dhiibitaankii Qalbi Dhagax. Qaar ka mid ah xubnahaas waxeey u arkaan ineey aheed mid dawladda ay ku saxsaneed in la dhiibo Qalba Dhagax, meesha kuwa kallana ay ka soo hor jeedaan.

Qofka siyaasiga ah waa uu dhiiban karaa fakirkiisa u gaarka ah, laakiin tallaabada uu ku kacay madaxweeyne ku xiggeenka Puntland Cameey ee uu shaqada uga eryay wasiiru dawlaha ayaa aheed mid dano gaar ah uu ka lahaa Cameey.

Hadaba, haddii Madaxweeynaha Puntland Gaas uusan shaqada ku soo cellin wasiiru dawlaha shaqada laga qaaday waxeey Puntland ka dhigeesaa meel qofka xoriyadiisa hadalka uusan cabiri karin ama xor uusan u aheen codkiisa.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*