29th March 2024  admin  Category :

Booliska oo sheegay inay lacag ku qabteen garoonka Aadan Cadde

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku qabteen lacag dollar ah oo waddanka lasoo gelinayey.

Booliisku waxay sheegeen in la doonayey lacagtaas si sharci-darro ah lagu soo geliyo waddanka. Booliiska faahfaahin kama bixin cadadka lacagta, hase yeeshee waxay sheegeen inay ka badan tahay lacagta qofka loo oggol yahay inuu shaqsiyan waddanka lasoo geli karo.

Af-hayeenkka Booliiska Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali ayaa u sheegay VOA Somali in qofka lacagta watay uu la socday diyaarad ka timid Kenya.

Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baadhitaan, waxayna diideen inay sheegaan magaca qofka watay lacagtaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*