26th March 2024  admin  Category :

Fanaanka BK iyo Gudoomiyaha wada hadalka maxay ku kala duwan yihiin?

Maxamed Bk, oo ka mid ah fanaaniinta Hargaysa, ayaa dhowaan hadal jees jees ah oo ka baxsan Islaamnimada iyo Baiaadanimada oo uu kaga hadlayey qaraxii Muqdisho ka dhacay ka hor sheegay Kumaakun qof oo aaminsan qadiyada Soomaaliya diidnimada iyo in dhibta Soomaalida kale ay u keenayso Ictiraaf iyo Soomali inteeda kale oo ay ka go’aan.

Maxamed BK, maaha qofkii ugu horeeyey, uguna danbeeyey ee ka tirsan maamulka SNM oo hadalo Isir nacayb ah oo bani aadanimada ka baxsan kula hadla Soomaalida kale oo aan Isaaqa ahayn.

BK, wuxuu ka soo jeedaa degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, beesha Habar Yoonis, Cabdale Xaamud, adeerkiis Allah ha u naxariisto Waa Talaabo.

Adna Aadan, oo ah gudoomiyaha ay beesha Isaaq ugu magcaaban wada hadalka ay Soomaaliya la gelayaan, iyaduna horay waxay u sheegtay, iyada oo af Qalaad ku hadlaysa, oo fadhida madal ayna Soomaali joogin, hase ahaatee ay ku sugnaayeen Ajaaniib ka kala yimid qaaradaha Aduunta in Soomaalida Koonfurtu ay yihiin Argagixiso iyo Budhcad badeed oo ay Beesha isaaq hor fariisan karin

Gudoomiyaha Xisbiga Ucud Faysal Cali Waraabe, isaguna waxa uu sheegay in Soomaalida Koonfurtu ay ka xigaan Canfarta iyo Oramada Joogta Itoobiya,

Xildhibaan Dheeg, oo ka mid ah Odayaasha ugu waaweyn beesha Isaaq waxa uu sheegay haddii Baasaboorka Muqdisho loo raadsanayo ‘Xajkaba inay iskaga harayaan”

Siyaasiyiinta Isaaq oo aan kor ku soo xusnay waa kuwooda ugud’ada waaweyn ee hadda Nool, oo maalin ay habeen Isir nacaybka faafinaya, oo maskaxda ka bedelay dhalaan badan oo Soomaaliyeed oo bulshada wax u tari lahaa.

Hadaba dad badan ayaa is waydiinaya sida Siyaasiyiinta Koonfureed ay u garab istaagaan kooxdan maalin iyo habeen nasab caayaya oo xitaa Maydku mararka qaarkood ka amaan geli waayo

Tusaale hadaan soo qaadano, maamulka SNM waxay wada hadalka Soomaaliya u soo magcaabeen Adna Aadan oo ku caan baxday Isir nacayb, dawladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Koonfureed ilaa hadda ma jiro qof yidhi Cunsuri ma hor fariisanayno, ama cidda ay wada hadalka ku metesho marka hore noo sheegto.

Tusaalaha labaad. Soomaalida midnimada jecel iyo Canaasiirta SNM marka ay Muqdishu tagaan, waxa mudnaanta kowaad la siiyaa Canaasiirta SNM, sida Maareeye iyo kuwa la midka ah. BK, waa shakhsi ka mid ah Bulsho ictiraaf ku raadinaysa si khaldan, sidaa awgeed in Caruurtii sida Maxamed BK la canbaareeyo oo Macalimiintii nacaybka bilaabay sida Adna Aadan wada hadal loogu hor fariisto xal maaha , waana sii socon doontaa Edebdarada SNM ay u gaysanayaan Beelaha Soomaaliyeed ee degan Koonfurta Soomaaliya

Ugu danbayntii Isir nacaybka Soomaalida, cayda Soomaalida Koonfureed, raryn raynta iyo farxadda dhibta Soomaalida kale, gacan siinta argagixidasa, waa ka weyn tahay BK, oo waa Qadiyad Bulsho badani aamnisan yihiin, inta badana ay garab ku siiyaan Siyasiyiinta Koonfurtu. Maalinta Siyaasiyiinta iyo Bulshada Koonfureed ay diidaan wada hadalka Kooxda Adna waxa xaqiiq ah in Isirnacaybka Hargaysa uga imanayaana uu joogsanayo oo ay saaxiga ayeey kenayaan

https://allsanaag.com/daaroodku-sool-iyo-sanaag-ma-jubooyinkey-moodeen/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*