23rd October 2018  admin  Category :

Guddiga la magcaabay waxa ugu horeeya afhayeenkii hore ee golaha Maxaakiimta iyo Afahayeenkii hore ee SNM

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu magacaabay “guddi heer Qaran” ah oo ka kooban Toban Xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaban qaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda, Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018.

Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:-

1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta.              Abgaal , Hawiye , Ahayeenkii hore ee Maxaakiimta                  Guddoomiye

2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga.     Dir, Isaaq                      Xubin  Afhayeenkii hore ee SNM

3-C/raxmaan Ducale Beyle  , Wasiirka Maaliyadda.     Dir, Godabiirsay                              Xubin

4- Xasan Cali Maxamed  ,     Wasiirka Gaashaandhigga.      Raxanweyn                       Xubin

5-Maxamed Abuukar Islow,  Wasiirka Amniga gudaha.     Abgaal, Hawiye                           Xubin

6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda.      Yaxar, Dir                           Xubin

7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka.       Surre, Dir                                Xubin

8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.     Dir, Isaaq                  Xubin

9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir.    Abgaal, Hawiye                      Xubin

10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam.                Xoghaye guud

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*