30th March 2024  admin  Category :

Beesha Caalamka oo ku baaqday in deg deg loo bilaabo shirka arrimaha doorashooyinka

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay warkii ka soo baxay dowlada federalka ee shirka Doorashooyinka ee ahaa inuu fashilmay shirkii uga socday Muqdisho madaxda dowlada federalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka.

War Saxafadeed ay beesha caalamka ka soo saareen arrintan ayaa u qornaa sidan;
Saaxiibada Beesha Caalamka waxay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogol-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen una dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada aanu sameyn wax horumar ah.
Waxaan adkeynaynaa in wadahadalladan ay udub-dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember ee loogu talagalay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, iyadoo la’aantood uu khatar gelayo horumarkii sanadihii ugu dambeeyay laga gaaray xasilloonida, horumarka dhaqaale iyo dib-u-hagaajinta hay’adaha ee Soomaaliya.
Waxaan ku boorinaynaa madaxda inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harsan, iyagoo u maraya isu-tanaasul. Waxaan mar kale ku celinaynaa in saaxiibada [caalamku] aanay taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore.
Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan.

Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka.

https://t.co/RFfwSf7KKt?amp=1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*