28th March 2024  admin  Category :

2020/08/05

Waa maxay sababta uu Farmaajo Baasaboorkii Maraykanka isaga celiye

Baasaboorka Maraykanka ayaa ah Baasaboorka aduunka oo dhan loogu jecel yhay in la helo, Kumaakun qof oo Bulshada Caalamka ka mid ah ayaa maalin walba safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u heli lahaayeen , oo hal mar dalkaas cagaha u dhigi lahaayeen, kumaakun kale waxay hadda lugenayaa qaar ka mid ah dalalka Koonfur Amerika si ay hal mar u so istaagaan Xadka Koonfureed ee Maraykanka la leeyahay Mexico, kumaakun kale xeryo Qaxooti ayeey ku jiraan oo waxay sugayaan Fariimaha Safaaradaha Maraykanka iyo waqtiga ay baxayaan oo Maraykan cago dhiganayaan

Intaa aan soo sheegnay iyada oo la marayo in hal mar Maraykan cagaha la dhigo, ayaa madaxweyne Farmaajo Basabooorkiisii Maraykanka iska dhiibay. oo sheegay inaanu u baahnayn. Dastuurka Soomaaliya waa uu saamaxayaa inuu labada isku haysto.

Inkastoo tegitaankii hore uu Maraykanka ku aaday uu ahaa mid dhib yaraa oo ka mid ah Qaraabo kiilkii Kacaanka, sababtoo ah xilligaa uu Maraykan tegayey Farmaajo inta badan Bulshada Muqdisho ma awoodin Siteeyda ay Caliyaalo u raaci lahaayeen.

Hadaba waa maxay sababta uu Farmaajo uga maarmay Baasaboorkii Maraykanka?

Labo mid ayeey noqonaysaa:

1- In madaxweyne Farmaajo go’aansaday markii xilka qabtay inuu Soomaali dhexdeeda caddalad ku maamulayo , eex, qabyaalad iyo Qaraabo kiilna ka dheeraado, oo marka waqtigiisu dhamaado sidii Allah ha u naxariistee Aadan cade uu beerihiisa iska falanayo, siyaasadana isaga baxo, sidaasna uu ku noqon doono Hogaamiye lagu xasuusto wanaag iyo siddii Soomaali uga saaray dhibtii haystay.

Arinta labaad, ayaa noqnaysa sababta uu Basaboorka Maraykanka uu madaxweyne Farmaajo isaga celiyey inay tahay inuu ku soo talo galay Kalgis talisnimo labaatan sano ah iyo labaatan kale oo ugu talo galay ehelkiisa inay uga danbeeyaan. Taasina waxay ka hor imanaysaa wax kasta uu Maraykanka Baasaboorkiisu u taagan yahay Doorasho la qabto, Demoraadiyad,xaquuda umadda oo la ilaaliyo.

Farmaajo intaas oo dhan isaga oo og iyo qorshihiisa 40 sano ah ee isaga iyo Qoyskiisu ay isu diyaarinayaa inay Soomaaliya hogaamiyaan sida Qoyska Kim Ilsung  ayaa isu qaban wayday, waxaana u fududaatay Baasaboorkii Aduunka oo dhan loogu jeclaa inuu iska celiyo oo ka doorto Kaligii talisnimo. Meesha ugu horaysa oo uu ka bilaabayona waa in uu beelaha Soomaaliyeed madaxa isugu dhuftaa oo xabbad ka bilaabaa koonfurta Soomaaliya

Ugu danbayntii arinta aad had iyo jeer Faarmaajo aad ka maqashaan ee ah in dalkii Soomaaliya ee sodon sano dagaal sokeeye ku soo jiray oo aan dib u heshiisiin loo samayn oo meel aan Muqdisho ahayn ayna ka talin dawladiisu, oo isaga xitaa Gurigiisa dhexdiisa lagu ilaaliyo inuu qaban doono doorasho hal of iyo hal cod ah haddii laga yeelo waa bilowga labaatankii sano ee uu ku soo talo galay inuu Soomaaliya ka taliyo oo Baasaboorka Maraykanka isaga dhiibay. Sida muuqata beesha Hawiye yeelin maayaan iyaga oo labaddii madaxweyne oo beeshooda ka soo jeeday si nabad ah ay xilka ku wareejiyeen in nin ka soo jeeda beesha Daarood uu dhiigooda uu ku daadiyo kursiga ku sii fadhiyo, isaga oo aan sharci ku joogin. Arinta qura oo Soomaaliya ka hor istaagi karta dagaal sokeeye waa maamulada Jubbaland iyo Puntland oo aan u sacab tumid Waalida Farmaajo, taasna waxa la ogaan doonaa sideeda bilood ee ka harsan doorashada, haddanu la iman muddo kororsi

One thought on “Baasaboorka Maraykanka iyo Kaligii talisnimo ayaa isu qaban waayey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*