29th March 2024  admin  Category :

Murashaxii Villa Wardhiigleey wadatay oo iska casilay xilkii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa goor dhow kua dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Go’aankan ayuu Axmed Qoor Qoor kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb oo uu galabta gaaray, isagoo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.

Musharax Axmed Qoor Qoor ayaa taageero ka heysta dowladda Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay inuu yahay Musharaxa ay si gaar ah dowladda ugu ololeyneyso inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Galmudug.

Hase ahaatee Musharaxan ayaa wajahaya loolan adag oo uga imaanaya Musharaxyo dhowr ah oo taageero ka heysta Xisbiyo iyo Ahlusuna Wal-jameeca oo xubno gaaraya 20 Xildhibaan ku leh Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda olole xoog leh oo loogu jiro hoggaanka ugu sareeya Galmudug, waxaana lagu wadaa in maalinta jimcaha ay ka dhacdo magaaladaas doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*