28th March 2024  admin  Category :

Halganka iyo xorreeynta gobolada Sool iyo Sanaag waa mid billoow ah, waana in uu socdaa inta beesha Isaaq ay faraha kalla baxayaan deegaanadaas.

Cadawga qofka ah waxaa lagu gartaa astaamo badan. Hadaba, wajiga dhabta ah ee SNMta ay leeyihiin ayaa ah:

In deegaano dad leeyihiin ay sheegtaan, iyadoo jiritaankooda la xaqirayo;

In caada qaatayaasha kuwooda ugu xun la urursado, dabadeedna lagu jiheeyo dadkooda;

In jilib jilib la isugu dirro qabiilada, iyadoo midba midka kalle loo tusayo cadaw inuu ku yahay midka kalle;

In la yiraahdo dhulka ma guuree, balse dadkaa guura ee ka guura dhulka aadana meeshii Daarood uu idinka jiro;

In isla dadka ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ciidamo laga qorto, dabadeedna ay weeraraan ama lagu qabsado deegaanadooda;

In adduunka been loo sheego, iyadoo la leeyahay Soomaaliland waa la wada dhistay oo beelaha oo dhan ayaa u dhamaa, iyadoo aan ognahay in dadka goboladaa degan aysan waxba la dhisan beesha Isaaq ;

In isimo aan jirin loo gelliyo koofiyado, iyadoo laga dhinac sameenayo kuwii horrey u jiray, si dadka ay ugu dhacdo hoggaan xummo iyo jahwareer;

Hadaba, arrimahaas aan kor ku xusnay iyo kuwo ka badan ayeey SNMta ka wadaan deeganadaas, waxaana dhab ah in qof uu ku jiro damiir Islaanimo uusan ku kaceen waxyaabaha ay ku kacayaan maamulka Hargeeysa.

Si kastaba ha ahaatee, dadka degan gobolada Sool iyo Sanaag waa in ay cadawga dadkoodii kalla qeeybiyey, bahdilay,  jiritaankoodana baab’inaya ay meel oga soo wada jeestaan. Sidoo kalle ay meel uga soo wadda jeestaan kuwa calooshood u shaqeeystayaasha ah ee damiirka uu ka dhintay.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*