29th March 2024  admin  Category :

Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Trump ayaa sheegay in Juurisallaam ay u aqoonsadeen ineey noqoto caasimada Israa’iil. Intii uusan ku dhawaaqin Trump, waxaa dalal badan oo caalamka ah ay u soo jeediyeen in uusan ku degdegin ku dhawaaqista Jurisalaam ineey noqot caasimada Israa’iil. Arrintaas iyada ah ma jiro hal dal oo ku taageeray Trump, balse waxaa lagala horyimid cambaareen.

Wadamo badan oo ka mid ah dunida Islaamka ayaa arrintaas si cad ugga hor yimid, waxeeyna sheegeen in aqoonsiga uu u aqoonsaday Trump Jurisalaam ineey tahay caasiamadda Israa’iil aysan wax xal ah u noqoneen nabadda laga raadinayo gobolka.

Sidoo kalle, waxaa rrintan ka horyimid Midowga Yurub oo ay ka mid yihiin wadamada Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga, waxa ayna sheegeen dalalkaas in aqoonsiga Trump uu ku aqoonsaday Juurisalaam ineey tahay caasimada Israa’iil ay aheed mid qaldan.

Qaramada Midoobay waxeey sheegtay in arrinta Juurisalaam wadahadalo oo kalliya lagu xallin karo, wuxuuna sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, in Jurisalaam ay tahay waxa ugu danbeeya oo ay tahay in la xalliyo, iyadoo loo marayo wada xaajood u dhaxeeya labad dhinac.

Madaxweeynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabaas ayaa isna sheegay in arrinta uu ku dhaqaaqay Trump ay abuuri doonto dagaal hadafkiisa uu yahay mid diineed kaas oo welliba ay ka faa’iideesan doonaan argagxisada , iyagoona geesan doona weeraro wax yeeleeya gobolka oo dhan.

Trump ayaa sidoo kalle wuxuu ku amray wasaarada arrimaha dibedda ee Mareeykanaka ineey billaabaan raritaanka safaarada Mareeykanka ee Talaabiib iyagoona u raraya Juurisalaam. Hase ahaatee, raritaanka safaarada waa mid qaadan doonta sanaddo badan.

Ugu danbeen, Madaxweeynaha Turkiga Erdogan ayaa isagana isugu yeeraya dalalka Islaamka si ay ugga soo qeeyb gallaan shir ka dhici doona Istaanbuul si ay ugga xaajoodaan arrintaas uu ku dhaqaaqay dalka Mareeykanka.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*