29th March 2024  admin  Category :

Ahlusunna oo war kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb

Hogaanka sare ee Ahlusunna Waljamaaca ee dhawaan isku dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ka hadlay dagaalkii Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxa  lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu amar ku bixiyay in Koontaroolada laga soo galo Xaruntii Inji ee Dhuusamareeb in la dhigo Ciidamo, isla markaana la xiro qof walba oo galeysa Xarunta iyo cadda kabaxeysa, iyadoona sidaas lagu xiray dad  badan oo shacab ah.

Sidoo kale qoaalka uu soo saaraya Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu soo qaaday Ahlusunna ay fuliyeen Ciidamo ay ku sheegeen inay ahaayeen kuwii loogu talagalay inay dagaal la galaan Al-shabaab ayna tababareen dalalka Mareykanka iyo Turkiga.

Waxaa kaloo qoraalka Ahlusunna lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo inay joojiyaan xasuuq ay sheegeen in dowladda ay ku heyso shacabka deegaanada Galmudug iyo Balad-xaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Jubbaland.

“Cid kasta oo ku fikareyso in Ahlusunna Waljamaaca laga tirtiri karo Gobolada Dhexe ama Soomaaliya waxaa ay u hunguubi doonaan Insha Allaah sida Al-shabaab uga guusteen inay maamulaan Gobolada Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Ahlusunna

Ugu dambeyntii Ahlusunna ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in aysan indha ka fiirsan Caburin ay tilmaameen in lagu haayo shacabka deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.

Si kastaba Hogaanka sare ee Ahlusunna Waljameeca ayaa isku dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka, isla markaana warbaahinta kahor sheegay inay ka tanaasuleen Siyaasadda Galmudug ayna Ciidankoodii iyo hubkoodii ku wareejiyeen dowladda Federaalka, sidoo kalena ay u taagan yihiin la shaqeynta Maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*