18th April 2024  admin  Category :

Arinta Qalbi dhagax,  Diyaaradda Hargaysa dul saaran iyo wada hadalka la sheegay inuu furmi doono wax badan ayaa isaga xiran.

Sida dawladda Soomaaliya u maaraysay arintii  Qalbi dhagax, ka dib markii la dhiibay,  gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  sida uu uga  hadlay arintan labo arimood ayaa kaaga soo bixi karta  oo u baahan inay wax la bartaan  Soomaalida jecel midnimada Soomaaliya ee ku nool waqooyiga Soomaaliya.

Afduubka Siyaasadeed ee ugu weyn ee Dawladda madaxweyne Farmaajo maanta lagu hayaa, ee uu  difaaca adag kaga  jiraa  waa arinta Qalbi dhagax.

Hadaba yaa ku haya afduubkan siyaasadeed? maxay ahayd jawaabtii  loo baahnaa  in laga bixiyo inta arita Qalbi dhagax  kooxda Mahad Salaad  ayna   halkaa gaarsiin ? Maxaase laga baran karaa si aanu u iman  afduub siyaasadeed oo kale,   sida wada hadalka beelaha Isaaq ay ku doonayaan sadbursi ay ka helaan Soomaali dhexdeeda

Kooxda uu madaxweyne Farmaajo ka shaqayn la’yahay, oo marmarsiiyaha ka dhiganaysa Qalabi dhagax ayaa   la dhiibay, oo habeen iyo maalin uu madaxweyne Farmaajo  iska difaacayo eedayntooda  waa koox isugu  jirta Weriyaal, siyaasiyiin iyo  waxa loogu yeero Ururada arimaha Bulashada ee ka dhisan Muqdisho  oo  ka soo wada jeeda beesha Caydiid iyo Cabdi qaybdiid.

Waa nimankii dhowr boqol oo kun oo  qof oo Soomaaliyeed oo  ka soo jeeday beesha Qalbi dhagax, ee ku noolaa   Koonfurta Soomaaliya  u dilay, u barakiciyey, u bililiqaystay, Yaxaaska ku nool webiga Shabeele ee Jalalaqsi marana  u siiyey hilibkooda  Isir nacayb iyo beesha ay ka soo jeedaan oo aan ilaa maanta lagula xisaabtamin. Waa kooxda haddii ay fursad kale heli lahaayeen maanta  sida ay u dhaqmayaan samayn lahaa fool xumadii ay sameeyeen 1991 mid la mid ah. Waa kooxda qaybta xasuuta maskaxdooda qafishay, oo ayna shaqayn  intii ka danbaysay 1991 ilaa maalintii Farmaajo la doortay.

Jawaabta madaxweyne Farmajo  ma ahayn inuu difaac uga galo Cabdi qaybdiid iyo Mahad salaad arinta Qalbi dhagax  ee waxay ahayd inuu runta u sheego iyo inay qarankii Soomaaliyeed  iyagu dubteen oo uu Isagu  doonayo inuu dib u soo celiyo Sharaftii Soomaaliyeed oo   ay garan la’yihiin xitaa maanta oo dhiigii Soomaaliyeed   ay kaga mid noqdeen Baarlamaanka Soomaaliya

Wada hadalka la sheegay inuu dhowaan  furmayo , ayaa sidoo kale noqon doona afduub siyaasdeed oo madaaxweyne Farmaajo ku hafan  doono haddii uuna  helin xog dhab iyo khuburo siyaasadeed oo si fiican uga dheregsan xaaladda waqooyiga Soomaaliya iyo taariikhada Beelaha Soomaaliyeed. Gumaysigii ka hor siddii ay kala ahaayeen beelaha waqooyiga Soomaaliya , Gumaysigu xilligii uu joogay sida uu ula kala dhaqmi jiray beelaha waqooyiga Soomaaliya . Dagaaladdii Sokeeye ee ka dhacay waqooyiga Soomaaliya Xingalool iyo Xudun saldhig Ciidan kuma ool maxay ahayd sababtii SNM u soo weerartay oo ay Shacabka Soomaaliyeed oo aan hubaysnayn ugu xasuuqeem maalmo ay ka mid ahaayeen maalamaha barakaysan ee Ciidda oo Salaad loo taagnaa!!!!!!!.

Beesha Isaaq waxay doonayaan  in wada hadalka Soomaaliya laga dhigo caalami , waxaana u qarsoon oo ay ku hawl geli doonaan ” Adeerkiis ayaa na xasuuqay oo na  dilay oo diyaaradda Hargaysa dul saaran nagu duqeeyey”

Madaxweyne Farmaajo jawaabtiisu ma waxay noqon doontaa difaac sida arinta  qalbi dhagax mise wuxuu oran doonaa dawladda aad sheegaysaan madaxdooda waxa ka mid ahaa Ina laxwas, Ismaaciil Cali, Abokar, Axmed Ismaaciil, Siilaanyo., oo qaarkood Hargaysa lagu aasay markii ay dhinteen kuwana hadda  ku nool yihiin. Reer Waqooyi wada socdaa ma jiraane Isaaqoow idinkoo miyirsan waxaad doonaysaan noo sheega. Ma ku kashbi  doonaa madaxwyne Farmaaje madaxda Isaaq  intaan wada hadaklkan la furin in Ina  Kaahin, Ina Mire,  Muuse Biixi, Lixle, Maxamed Mooge, Sahro halgan  ay yihii danbiilayaal dagaal.

Ugu danbayntii sida madaxweyne uga jawaabayo arinta labo dhagax ee uu had iyo jeer isu difaacayo, waxay xoojinaysaa arinta Isaaq doonayo oo ah Adeerkiis ayaa na xasuuqay isaguna ma doonayo inaan sii noolaano.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*