18th April 2024  admin  Category :

Magaalada Taariikhiga ee Laasqoray ayuu ku dhashay 73 sano ka hor waxaana maanta lagu aasay  qabuuraha Mavis ee Brampton, Ontario, Canada

Allah ha u naxariistee Cawad Axmed Casharo oo habeenkii Xalay ku geeriyooday Dalka Canada ayaa sanadkii 1944 ku dhashay degmada Laasqoray,  oo markaas hoos tagaysay Saldanadii Warsangeli oo waqtigaas ka talin jirtay degaanadaas.

Sheekh Cawad Casharo, labadiisa waalid Allah ha u naxariistee waxay ka soo kala jeedeen qoysas aad looga yaqaanay Saldanadaas. Aabihii waxa la oran jiray Axmed Casharo, hooyadiisna Xaawo Xusee Saalax  oo la dhalatay Ibraahim Xaaji saalax oo ka mid ahaa Daraawiishta. Ingiriiskuna  uu  aad u raadin jireen inay  nolol ku qabtaan.

Cawad Casharo waxbarashada Quraanka iyo Dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay degmada laasqoray. Dugsiga dhexe wuxuu uga baxay Dayaxa, halka uu dugsiga sare uu ku dhamaystay degmada Sheekh. waxbarashada sare wuxuu ku qaatay liibiya iyo Ciraaq.

Cawad Caharo  shaqdiisii ugu  horaysay wuxuu  ka  bilaabay dalka  Soomaaliya sanadkii 1965, waxayna  ahayd  arimaha bulshada iyo diiwaangelinta.

Sanadkii 1968 wuxuu noqday maareeyaha guud ee warshadda Kaluunka Laasqoray. Arimo siyaasadeed oo jiray  ayaa loo xiray waqtigaas. gaar ahaan dhowrkii casho oo ay doorasho socotay wuu xirnaa.

1971 – 74 wuxuu noqday iskuduwaha Xijiga iyo beeyada ee gobolka Bari.

1975 dilkii Culimada ayuu goostay inuu Soomaaliya isaga baxsado, Wafti Carwo ku soo bandhigaysay dalka Masar oo madaxweynuhu hogaaminayey ayuu sii raacay dibna uma soo laaban.

Wuxuu tegay Liibiya iyo Ciraaq. Dalka Ciraaq ayuu kaga mudaharaaday Kacaankii waxaana xabsiga dhigay Saadaam Xuseen.

Sideetameeyadii ayaa dawladda CANADA u soo qaaday dalkeeda. la soco qaybta labaad

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*