29th March 2024  admin  Category :

Waxaa Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya saakay ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise oo loo yaqaanay Sangub,kaas oo ka mid ahaay Abwaaniinta ugu caansan dhulka Soomaalida.

Abwaanka ayaa halkaasi loo geeyay Arrimo Caafimaad , kadib xanuun mudo haayay,hayeeshee saakay uu halkaasi ku geeriyooday,sida ay xaqiijiyeen Xubno ka tirsan golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa ka mid ahaa Abwaaniinta Hobolada Waaberi,waxaana uu sameeyay Riwaayado iyo Heeso badan oo hirgalay,waxaana uu ka mid ahaa Abwaaniinta ugu caansan dhulka Soomaalida.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa sanadkii 1944 waxa uu ku dhashay baadiyaha Magalada Dhagaxbuur ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxana fanka uu ku bilaabay yaraantiisa,isaga oo ka bilaabay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka iyo dhaantada,waxana sidoo kale uu ahaa Gabyaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*