28th March 2024  admin  Category :

Intii burburka uu dhacay dalka Soomaaliya kama jirin dawlad u fidisa shacabka adeegyada aas-aasiga ah, balse waxaa meeshii yimid maamulo kuwaas oo dhaqaalaha ay wax ku kalla wadaan badankeeda ka hella lacagaha ay sadaqada u bixiyaan beesha Caalamka.

Hadaba, dhulkii la isku oran jiray Soomaaliland waxa uu ka kooban yahay shan gobol oo kalla ah Sool, Awdal, Togdheer, Sanaag iyo Waqooyi Galbeed. Waxaa magacii bililaqeeystay SNMta taas oo dhaqaalihii adduunka uu ugu talagalay shantaa gobolna ka dhaadhiciyey Beesha Caalamka in iyaga la soo mariyo wixii lacag ah ee loogu talagalay goboladaas.

 Lacagaha faraha badan ee loogu talagalay shanta gobol ayaa SNMta waxeey u adeegsadeen si qaldan, waxaana dadka qaadimka u ah iyaga ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ay u tuuraan xoogaa yar, waxaana dhulkoodii lagu qabsaday lacagtii ay qeeybta u lahaayeen.

Lacagaha ku yimid shantaa gobol waa kuwo kor u dhaafaya boqolaal milyan oo doolar, hadaba, inta la ogyahay ama lagu arki karo meelaha waa kuwo aad u yar, waxaana badan inta ka soo gashay wadamo badan kuwaas oo ay adag tahay in la ogaado maadaama aysan jirin meel lagu soo ururiyey lacagaha la siiyey shantaa gobol.

Gobolada Sool iyo Sanaag lacagta la gelliyo waa mid aad u yar, inta badana, waxeey lacagtaa gashaa dhulka ay SNMta degto. Tusaale, mashaariicda loo yaqaano JPLG waxaa ka faa’iideeysta Berbera, Hargeeysa, Boorama, Burco, Gabileey, Oodweeyne iyo Sheikh.

Hadaba, macluumaadka aan ka soo ururinay inta aan ka gaarnay oo ku saabsan lacagaha loogu talagalay shantaa gobol ayaa ahaa:

Sanadkii 2013 iyo 2014ka waxaa hay’adda USAID ay ku maalgelisay shanta goboI ee la isku oran jiray Soomaaliland lacag dhan labbaatan iyo toddobo  milyan oo doolar USD $27,000,000;

October 2018ka waxeey dawladda Kanada (Canada) bixisay toban milyan oo doolar USD $ 10, 000, 000 taas oo loogu talagalay arrimaha horumarinta;

Midoowga Yurub, dalka Iswiidhen iyo Ingiriiska waxeey bixiyeen bishii April 2019ka lacag dhan 19 million oo Euro taas oo u dhiganta lacag dhan kow iyo labaatan milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar USD 21, 500, 000;

Sida laga soo xigtay Internation Contact Group, sanadkii 2002dii waxaa loogu deeqay  oo soo galay shantaas gobol lacag dhan afartan iyo seddex milyan oo doolar USD $43,000,000 oo ka kalla timid meelo kalla duwan;

Dawladda Ingiriiska ayaa waxeey ugu talagashay mashruuc socon doona muddo shan sanno, 2017ka illaa iyo 2022ka kaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan $30,000,000 soddon milyan oo doolar. Lacagta ayaa loogu talagaley wax ka qabashada adeegyada aas-aasiga ah iyo tayeenta maamulka;

Waxaa Ingriiska uu ugu deeqay  Shanta gobol ee la isku oran jiray Soomaaliland lacag dhan 25,000,000 oo Geniga Ingiriska ah, taas oo u dhiganta lacag dhan 32, 000, 000 sodon iyo labbo milyan oo doolar, lacagtaas ayaa gebi ahaanteedba la isticmaalay. Hawshaas ayaa soo socotay sanadihii 2012ka illaa iyo December 2018ka, taas oo ah muddo lix sanno ah;

Mashruuc kalle oo loogu tallagalay shanata gobol ayaa ah mid wax looga qabanayo arrimaha ku saabsan quwadda Korantada iyo sidii meelo kalla duwan looga soo saari lahaa quwadaas. Mashruucaas wuxuu billoowday bishii Juun 2014ka, waxa uuna dhamaanayaa Septeember 2021ka, lacagta ku baxeeeysa mashruucan ayaa ah £20,682,007 oo ah Geniga Ingiriiska, labbaatan milyan lix boqol siddeetan iyo labba kun.

Mashruuca kalle ee 5 gobol loogu tallagalay ayaa ah mid kor loogu qaadayo amniga iyo hay’adaha cadaaladda. Mashruucaas waxaa la soo billaabay April 2017ka, waxa uuna dhammaaday March 2019ka lacagta ku baxday ayaa aheed £6,885,000 lix milyan siddeed boqol sideetan iyo shan kun oo ah Geniga Ingiriiska;

Dawladda Jarmalka waxeey ku deeqday lacag dhan EUR 1600,000 hal milyan iyo lix boqol oo kun oo Yuuro taas oo loogu talagalay dadku ay abaaruhu saameeyeen sanadkii 2017ka;

Sidoo kalle, dawladda Jarmalka dadka abaaruhu ay saameeyeen waxeey ugu deeqday lacag dhan hal milyan oo Yuuro EUR 1,000,000 sandkii 2018ka;

European Commision ayaa bixiyey lacag dhan afar milyan oo Yuuro EUR 4,000,000, 2017ka illaa iyo 2019ka. Lacagaha ayaa loogu talagalay dadka abaaraha ka soo barakacay.

Arrimaha doorashooyinka 2009 illaa iyo 2013ka taas oo inta badan ay qabsadaan SNMta, balse lacagta lagu soo qaatay ay tahay shanta gobol ayaa waxaa ku baxay lacag dhan £3,377,147 oo ah Geniga Ingiriiska seddex milyan seddex boqol toddobaatan iyo toddoba kun.

Midowga Yurub wuxuu ku deeqay lacag dhan $14,600,000 afar milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar taas oo loogu talagalay arrimaha waxbarashada;

Hadaba, SNMta waxeey sameeysteen sanduuq ay ugu yeereen Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxaadna ku arki kartaa mashaariicda lagu soo daabacay bogaas ee la fuliyey in inta badan wax loogu qabtay SNMta meelaha ay degaan  sida aad ka arki kartaan lifaaqa hoose:

https://www.somalilanddevelopmentfund.org/projects-overview

Waxaa wax yar afka loo mariyey meelaha aysan degjn dadka aan Isaaq aheen, inta badana waa mid ay iyagu wax ku qabsadeen. Lacagtaadii oo nin kalle uu iska isticmaalayo ayaa ah wax laga xummaado.

Sool iyo Sanaag

Arrimaha caafimaadka ee gobolka Sanaag waxaa la gelliyey lacag Ceerigaabo iyo Laascaanood oo kalliya, waxaana ku baxday sida ay sheegeen lacag dhan  shan milyan toddobo boqol lixdan iyo lix kun oo doolar $ 5,766,661, Laascaanood inta gashay waxaa dhici karta ineeysan ka badneen boqol kun oo doolar;

https://www.somalilanddevelopmentfund.org/images/docs/Project_descriptions/MoH.pdf

Sool iyo Sanaag

Arrimaha waxbarashada gobolka Sanaag iyo Sool waxaa wax laga qabtay oo kalliya Sanaag (Dayaxa) iyo Laascaanood, lacagta loo isticmaalayna waa afar milyan sagaal boqol toddobaatan iyo kow kun oo doolar $ 4,971,709.

https://www.somalilanddevelopmentfund.org/images/docs/Project_descriptions/MoE.pdf

Sool iyo Sanaag

Arrimaha kalluumeeysiga waxaa wax looga qabtay lacag dhan hal milyan toddobo boqol soddon iyo toddobo kun oo doolar USD $ 1,737,464   taas oo gashay Berbera iyo Maydh oo ah Sanaag;

https://www.somalilanddevelopmentfund.org/images/docs/Project_descriptions/MoFMR.pdf

Waxaa wax lagu qosla ah in Faysal Cali Waraabe uu maalin dhaweed lahaa Dhakool oo iyaga u xiran ayaa lagu biilayey lacag laga soo ururiyey islaamaha suuqa wax ku iibsada, meesha ay Faysal Cali Waraabe iyo SNMta kalle ay ka najaxeen lacagtii gobolada Sool iyo Sanaag. Faysal halla weeydiiyo meesha ay aaday boqolaalka milyan ee doolar ee gobolada Sool iyo Sanaag ay xaqa u lahaayeen, mana ahan in dadka la majarahabaabiyo, iyadoo laga dhigayo in dadka degan gobolada Sool iyo Sanaag ay yihiin kuwo ku nool caanshuurta yar ee laga soo ururiyo afarta islaamood ee suuqa Hargeeysa ku ganacasada.

Hadaba, lacagaha lagu soo qaatay magaca Soomaaliland ee ka kooban shanta gobol waa mid u baahan ineey dadka degan gobolada Sool iyo Sanaag ay tahay in ay ku baraarugaan, waana in la isku dayaa in aan lacag dambe u soo marin goboladaas magaalada Hargeeysa, waana in xiriir lala sammeeyaa dawladda federaalka oo ah albaabka ay lacagta soo marto iyo Beesha Caalamka oo iyadu ah midda Muqdisho soo marisa. Sidee ku dhacday in shaqsi kula mid ah uu 30 sanno ku dhawaad uu iska isticmaalo lacagtii aad xaqa u laheed, adiga oo adba xaqaaga raadsan kara?

Allsanaag.com

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*