16th April 2024  admin  Category :

AARAN – JAAN(Maxay tahay?) Waxa qoray:
Maxamuud Hidiidaa.

Aaran ama Qaan waxa la yiraahdaa nirgaha ama qurbacyada geela caano-deyska ah oo halihii dhalay marlabaad rimeen ama nirgo kale dhaleen. Da’ ahaan waa 3jir ilaa 5 jir. Waa da’da geelu ugu hawl ama khatar badan yahay. Si sahlan bay u dhumaan ama u halaabaan, waayo, weli maskaxda waa ka carruur. Xilliga barwaaqada waa laacdamaan oo is eryadaan. Marar badan bay qoorta ama addimada iska jejebshaan ama dhudhub iyo haadaan iska tuuraan. Xilliga abaarta uma adkaystaan oonka iyo gaajada oo iyagaa geela ugu hor bakhtiya ama cidla ku hadha oo bahal cunaa. Kolka ceelka la keeno , hormooyinka hore ayay kusoo yaacaan oo lama celcelin karo . Yuus iyo cuuc bay nafta ugu keenaan ragga waraabinaya, biyo badanna ma cabbaan oo waraabka xiga kuma simaan . Sababtaas baa loogu heesaa:
( Qaan qudhqudho yare wax ma qaadide , waxna ma qaddide , haysasoo qubin oo qabaalka ha jebin).
Sababaha kor ku xusan iyo dhibaha badan ee lagu qabo baa geeljiruhu ugu yeedhaa; ” Qaan- jaan ama Aaran – Jaan”.
Dadka wixii dhaqankaas lamid ah baa iyana loogu magac daraa ama samiyaa.
Magaca Jaan waxa Soomaalidu u istimaashaa Jinka kiisa gaalka ah. Waxa la dhahaa; Waxaasi waa Jinow-Jaan. Macnuhu waa ; Belo dhib badan oo aan la fahmi karin ama la af-aqoon.
Waxa qoray:
Maxamuud Hidiidaa.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*