29th March 2024  admin  Category :

WASIIRKA MAALIYADDA PUNTLAD OO KU AMAR DIIDAY MADAXWEYNE KUXIGEENKA

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ilo xog ogaal ah ka ogaatay in wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal uu ku amar diiday madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) intuu uu dalka ka maqnaa madaxweynye Siciid Deni.

Wasiirka ayaa diidey inuu bixiyo lacago mushahaar ah oo uu madaxweyne kuxigeenku amar ku bixiyey in ciidanka darawiishta dawladda Puntland la siiyo.

Sidoo kale wuxuu wasiirku diiday amar madaxweyne kuxigeen oo ahaa in ciidanka oo bishii mushaar loo siiyo 72$, oo uu ogolaaday Xasan Shire inuu baxsho labo bilood, inuu bil na uu doollar ku siiyo bil na uu 1 kii doolar ugu qiimeeyo 30.000 Shilin.

Wasiirka ayaa ku adkaystay inuu labada biloodba ku bixinayo Shilin Soomaali uuna 1 kii doolar ku qiimaynayo 28.000, isagoo si cad u diiday amarkii madaxweyne kuxigeenka sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Waxa kale oo uu wasiirku ku gacan sayray madaxweyne kuxigeenka Gaari uu u qoray qoraal canshuur dhaaf madaxweyne ah, isagoo wasiirka Maaliyaddu waxba kama jiraan ku tilmaamay amarka madaxweyne kuxigeenka gaarigiina dekedda ku canshuuray.

Puntlandes.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*